“Xisbiga KULMIYE Wuxuu ugu Baaqayaa Cid Waliba inay Cadayso in Natiijada Doorashada ay u Hogaansamayso

0
95

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in looga baahanyahay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada in ay caddeeyaan in ay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxda doorashooyinka isa saarka ah ee dalka ku soo fool leh.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa uu u soo jeediyay daneeyaasha doorashooyinka in sifo waafaqsan xeerarka doorashooyinka lagu galo doorashooyinka isa saaran ee dalka Somaliland ku soo fool leh dabayaaqada sannadkan 2024.

Maxamed Kaahin Axmed oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye waxa uu u soo jeedinayaa daneeyaasha Doorashooyinka ee Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada in doorashada lagu galo sifo waafaqsan xeerarka doorashada iyo nabedgalyo,waxaanuna diyaar u nahay doorashadii aynu ku soo caano maalnay. cid waliba ha ku talo gasho ha, cadayso in natiijada ka soo baxda doorashada cid waliba qaadanayso oo qaynuunka raacayso.”

Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu hore u fuliyay in uu u hoggaansanaado qaanuunka iyo shacricaga doorashooyinka waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye hore wuu u fuliyay in uu u hogaansamaado qaynuunka, Kulmiye marna diidi maayo in uu aqbalo natiijada doorashada ka soo baxaysa. cid walbana waxa aan rajaynaynaa in ay aqbasho natiijada doorashada, cidii aan aqbalayna dadweyunuhu isaga ayaa goobjoog ka noqon doona”.