10 Camal oo ay Tahay in aad ku Dedaasho Inta Lagu Jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan

0
93

Hargeysa (Dawan) Bisha barkaysan ee Ramadaan waa fursad qaali ah oo uu ILLAAHAY adoomihiisa ku galaday, taasi oo ay ku jiraan fursado badan oo loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan muslimiintu, sida inuu ILLAAHAY naarta ka xoreeyo qaar badan oo ka mid ah adoomihiisa.

Bishan barakaysan ee Ramadaan ayaa ah mid guud ahaan ba bani’aadamka laga xidh xidho Shayaadiinta oo dhibaato badan ku haya dadka, kana khal khaliya inay si wanaagsan u cibaadaystaan, taasina ay tahay fursad qaaliya oo ILLAAHAY ugu talogalay inay adoomihiisu si ciifan u gutaan waajibaadka Cibaadadda.

Madaama ay bilaabmayso bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa aan halka idiinku soo gudbinayaa 10 camal oo haddii aad ku dedaasho inta lagu jiro maalmaha iyo habaanada Ramadaan aad noqonayso mid ka faa’iidaystay furadaha ku ay xambaarsan tahay Bishan qaaliga ah ee Ramadaan, tobankaasi camal ayaa kala ah:-

Soonka

Rasuulka (csw) Wuxuu yidhi:

”Dhamaan camalka bani’aadamka isagaa leh halkii wanaagba toban laabkiis ilaa 700 oo jeer loo laalaabo ajarkiisa ILLAAHAY se wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn soonka waayo soonka aniga ayaa ka abaal marinaaya wuxuu ka tagay waxey naftiisa jecleyd oo dhan cuntadiisii iyo cabitaankiisiiba daraadeey ayuuna uga tagay, qofka soomaa wuxuu farxaa laba jeer midu waa markuu afuraayo iyo markuu ILLAAHAY la kulmaayo maalinata Qiyaamaha, qofka sooman afkiisa urta kasoo baxaysa waxa ay ka udgoon badan yahay ilaahay agtiisa carafta miskiga”. [waxaa wariyay bukhaari iyo muslim]

Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:

In Acmaasha uu qofku qabto inuu isagu leeyahay soonka Mooyaane

In qofka soomani uu leeyahay labo farxad,

A: Farxad marka uu afurayo iyo

B: farxad marka uu Allaah la kulmayo

Rasuulkuﷺ wuxuu yidhi:

”Qofkii soomaa isaga oo rumeysan soonka ajarna ku raadinaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore”.

Xadiiskan waxaan ka fahmaynaa in qofkii labadan shardi laga helo:

A: Isagoo rumaysan inuu waajib ku yahay soonku

B: Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaaya

Dambigiisii hore waa la dhaafayaa:

Xadiis kale Nebiga waxaa laga wariyey inuu yidhi (csw) : “ Qofkaan iska deynin hadalka xun iyo dhaqanka xun RABBI SWT dan kama laha in uu ka tago cuntada iyo cabitaanka” BUKHAARI

Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:

Qofkii hadalada xun-xun iska dhaafi waaya inuusan ILLAAHAY dan ka laheyn ka tagidda Cunniddiisa iyo Cabbidisa.

In La Istaago Habeenkii (Salaad)

Rasuulku wuxuu leeyahay (csw): Qofkii salad u istaagaa isaga oo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore”

Macnaha Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:-

Qofkii Ramadaan Salaad u istaaga oo laga helo labadan shardi in la dhaafayo dembigiisii hore.

Shuruuduhuna Waa:

A: Isagoo rumaysan Waajibnimada soonka

B: Isagoo ILLAHAY ajar ka rajaynaya

Habeenkii oo salaad loo istaago waxay ka mid tahay dhaqankii Nebiga SCW, waxayna leedahay Caa’isho Allaha ka raalli noqdeen “Nebigu wuxuu ahaa mid aan ka tagin inuu habeenkii salaadda u is taago, xataa wuxuu tukan jiray isagoo fadhiya hadduu xanuunsado.”

Allaah (swt) markuu tilmaamayey addoomada Ilaahay sifaadkooda waxaa uu yidhi:

”Kuwa habeenkii i baryaya iyagoo sujuudsan ama Salaad u taagan”.

Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan in lagu dadaalo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u wanaagsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhammaysto, maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay: ”Qofkii la istaaga salaada taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar lamid ah midkii habeenkii oodhan usoo jeeday salaadda”.

In Sadaqo La Bixiyo

Waxaa la inaga doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha Ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nabigeena, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nabigu:

”Sadaqo la baxiyo waxaa ugu wanaagsan midda la bixiyo bisha soon” [TIRMIDI]

Sadaqada Ramadaanta waxay leedahay Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah:

A: In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)

Wuxuu Alle ku ammaanay Mu’miniinta:

In ay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya, masaakiinta, Agoonta iwm.

In ay u bixiyaan ILLAHAY dartiis oo aanay dooneyn Ammaan.

Wuxuu ALLAH ka ilaaliyey sharka maalinta Qiyaame.

Wuxuu ALLAH ku abaal mariyey janno iyo Xariir.

Nabigeenu wuxuu yidhi;

”Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Midhaha Janada, qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan ALLAH ayaa ka waraabiya koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aan oomeyn weligiis.”

B: In la afuriyo qof sooman.

Wuxuu yidhi Nabigu:

Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo aan laga naaqusin waxba qofkii kale”.

Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aan afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynayna isku abaabulayna kooxo kooxo.

In Quraanka la Akhriyo

Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo Qur’aan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii salafku ahaayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn)) jireen quraan.

3-Dii habeenba mar,

7-Dii habeenba mar,

10-Kii habeenba mar.

Imaamu shaafici wuxuu dejin ((dhameyn)) jiray Quraanka 60 jeer, Bisha Ramadaan. Waxaa wanaagsan Qur’aanka marka la akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco. Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya. Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yidhi; “Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu yidhi; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yidhi Nebigu SCW “Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.

In La Fadhiisto Masjidka

(Ilaa Qoraxdu Ka Soo Baxdo)

Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa laga weriyey Nebiga SCW inuu yidhi; “ ”Qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya ALLAH ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystiran, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtigaas yar ee ajarka weyn leh”.

In Lagu Negaado Masjidka

Nabigu wuxuu ahaa mid ku negaada masaajidka Ramadaan walba Tobanka habeen ee ugu dambeeya, sanadkii la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka labaatan habeen, sidaa darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin muhiim ah, wayna wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar ahaan tobanka dambe ee ramadaan, iyadoo la raadinayo Laylatul-Qadriga Barakaysan. Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa cibaado darteed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle (swt).

Xikmadda Loo Jideeyey Ictikaafka

Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in qalbiga ALLAH loogu gooni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha shuqlinaya. Ictikaafka xukunkiisa waa u dhawaansho Alle iyo raacid waddadii Nabiga.

Ilaahey (swt) wuxuu leeyahay:

”Ka nadiifi gurigeyga shirkiga iyo macaasda waayo waxaa imaanayaa dadka dawaafaayo iyo kuwa ku ictikaafaayo”.

Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna haweenkiisu way ictikaafi jireen,

Shuruudaha Ictikaafka

Waa inuu qofku Islaam yahay

Waa inuu Caqli leeyahay

Waa inuu wax kala sooci karo

Waa inuu Niyad la yimaado

Waa Inuu ku Negaado Masjidka

Iyo Inuu Daahir yahay.

Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo qofka Ictikaafaya

Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska

Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.

Inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid ah.

Waxyaabaha u bannaan qofka Ictikaafaya

Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka ah.

Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo ilaalinaya nadaafadda masjidka.

Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah.

Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirkiisa.

Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.

Waxyaabaha Buriya Ictikaafka

In laga baxo masjidka Dan la’aan.

Jimaaca

Waalli ama sakhraan

In diinta islaamka laga baxo

In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka.

Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya:

Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,

Cumarada Ramadaanka

Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga SCW ”in cumrada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj”.

In Lagu Dadaalo Raadinta

Habeenka Barakaysan (Laylatul Qadri)

Alle (swt) quraankiisa wuxuu ku leeyahay:

”Anaga ayaa soo dajinnay “qur’aanka” habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen”.

Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen Barakaysan (Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood.

Rasuulka (csw) Wuxuu yidhi:

”Qofkii istaaga habeenka leylatul qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa danbigiisii hore”.

Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr badan tahay kun bilood.

In La Badiyo Ducada

Waxaa wanaagsan in ducada iyo dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u gooni yeeshid waqtiyada soo socda:-

Markaad afurayso; Maxaa yeelay qofka sooman waxaa uu leeyahay duco aan la celin.

Xiliga dambe ee habeenkii

Maalinta Jumcada ah aakhikeeda.

Xidhiidhinta Qaraabada

Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xidhiidhiyo qaraabada, dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xidhiidhiyaan qaraabadooda iyada oo xilligaas aanay jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas daraadeed waxaa wanaagsan inuu xidhiidhiyo qofku qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan:

Nebigu wuxuu leeyahay (csw);

“Qofkii doonaya in cumrigiisa loo siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.

Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba uga faa’iisan jireen.