Imran Khan laga mamnuucay in lagu booqdo xabsiga uu ku xidhan yahay

0
72

Maamulka xabsiga ee Pakistan ee uu ku xidhan yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Salaasadii si lama filaan ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka loogu tegayo ra’iisul wasaarihii hore muddo laba toddobaad ah oo lagu sheegay “digniinta amniga”, taas oo ay si kulul u diideen xisbigiisa iyo la taliyayaasha sharciga ah.

Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo deris la ah caasimada Islamabad. Khan ayaa lagu helay danbi ah inuu wax isdaba marin sameeyay, sirta qaranka uu faafiyay intii uu xafiiska joogay, iyo guur been abuur ah maalmo uun ka hor doorashadii qaranka bishii hore, eedaymahaas oo uu dhammaan diiday Khan oo ku sheegay kuwa siyaasadeed oo denbi loogu sameeyey.

Xisbigiisa, Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa dhaleeceeyay “mamnuucida gelitaanka Khan oo ah mid sharci darro ah oo aan dastuuri ahayn, iyaga oo dalbanaya in si degdeg ah meesha looga saaro.

“Markii aan saaka gaadhnay xabsiga oo aanu kulan caadi ah la yeelanay Mr. Khan oo waafaqsan amarkii maxkamadda sare, si lama filaan ah, ayaa naloo joojiyay in aanu aragno, waxaana na loo sheegay in la kulankiisa la joojiyey muddo laba toddobaad ah shirarka noocan oo kale ah. Gohar Cali oo ah ku simaha gudoomiyaha PTI ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Islamabad ku sheegay.

“Cudur-daarka waxa laga dhigay in ay jirto khatar argagixisanimo,” ayuu raaciyay, isaga oo ku andacoonaya in mamnuucidda looga dan leeyahay “in lagu go’doomiyo hoggaamiyahooda caanka ah” oo loo diido warbaahinta iyo taageerayaasha, waxaana la tiigsan doonaa maxkamad sharci ah.

Awaamiir qoraal ah oo rasmi ah oo ka soo baxday kormeeraha guud ee xabsiyada ee gobolka Punjab, halkaas oo Rawalpindi ku taal, ayaa xaqiijiyay Salaasadii in laba toddobaad la mamnuucay booqashooyinka dadweynaha, shirarka, iyo waraysiyada warbaahinta ee gudaha xabsiga.

Awaamiirta ayaa lagu sheegay, iyada oo aan faahfaahin laga bixin, balse waxa la sheegay in ay jiraan arrimo kala duwan oo khatar ku ah amniga” xabsiyada, waxa kale oo la sheegay “kooxaha argagixisada ee ka soo horjeeda dawladda oo qorshaynaya inay fuliyaan weeraro qorsheysan.”

Xarunta xabsiga ayaa sidoo kale waxaa ku sugan madax kale oo sare oo ka tirsan PTI, oo uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan, Shah Mehmood Qureshi.

Khan, oo ahaa halyeygii hore ee ciyaarta cricket-ka isu rogay ra’iisul wasaare, ayaa xilka laga tuuray 2022 kadib markii baarlamaanka kalsoonida lagala noqday, waxaana tan iyo markaas uu la kulmay caqabado badan oo dhanka sharciga ah. Waxa uu dafiray in uu khalad sameeyay,waxana uu ku eedeeyay milatariga Pakistan ee awooda badan in ay ka danbeeyeen dacwad oogista iyo eedaymaha kale ee madaniga iyo danbiyada. Milateriga ayaa diiday eedeymaha ay u soo jeedinayaan in ay faraha kula jiraan arrimaha siyaasadda dalka.

Doorashadii 8-dii Febraayo ka dhacday Pakistan waxay soo saartay xil kala qaybsanaan. Musharixiinta ay taageerto PTI ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee 336-ka kursi ee Baarlamaanka Qaranka ama aqalka hoose ee baarlamaanka balse kuma filna in ay iskood u dhistaan ​​dowlad.

Taasi waxay ku dhiirigelisay labada xisbi dhaqameed ee ay qoysku maamulaan, ra’iisul wasaarihii hore Shehbaz Sharif ee Pakistan Muslim League-Nawaz, ama PML-N, iyo Pakistan Peoples Party, ama PPP, inay wadajir u abaabulaan dowlad wadaag ah, taas oo u sahlaysa Sharif inuu dib ugu soo laabto xukunka mar labaad.

Doorashada ayaa waxaa hareeyay eedeymo isdaba joog ah oo baahsan, waxaana dadka dhaliila gudaha iyo dowladaha shisheeye oo uu ku jiro Maraykanka ay ku baaqeen in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

 

Maamulka Pakistan ayaa teleefanada gacanta iyo internetka ka xidhay maalintii doorashada, arrimahaas oo kalsooni siiyey eedeymaha musuqmaasuqa wax is daba marinta ee doorashadii.