Laba duuliye oo ka tirsan Diyaarada Batik Air ayaa seexday badhtamihii duulimaadka

0
65

Indonesia ayaa baadhaysa shirkadda maxaliga ah ee Batik Air ka dib markii laba duuliye oo ka mid ah duuliyeyaasheeda lagu helay inay seexdeen 28 daqiiqo iyaga oo ku jira duulimaad.

Labada nin – oo labadoodaba si ku meel gaadh ah shaqada looga joojiyay – ayaa seexday intii lagu jiray duulimaad 25-kii Janaayo ka soo duulay Sulawesi kuna socday caasimadda Jakarta.

Mid ka mid ah labada duuliye ayaa la sheegay inuu ka daalay caawinta daryeelka laba mataano ah oo uu dhalay.

Diyaaradda Airbus A320 ayaa muddo kooban koorsada ka baxday balse si nabad ah ayay ku degtay, iyada oo dhammaan 153 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda aanay waxba gaadhin.

Duuliyahan  oo 32 sano jir ah ayaa u sheegay kaaliyihiisii ​​in uu la wareego diyaarada ku dhawaad ​​nus saac ka dib markii uu u sheegay in uu u baahan yahay nasasho. Kaaliyaha duuliyaha oo 28 jir ah ayaa ogolaaday, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda gaadiidka.

Laakiin kaaliyihii ayaa isna si badheedh ah u seexday. Warbixinta ayaa lagu sheegay in duuliyaha seexday ay xaaskiisu dhawaan dhashay laba ilmood oo mataano ah oo hal bil jir ah, wuxuuna ka caawin jiray daryeelka caruurta.

Xidhiidhka hawada ee Jakarta ayaa isku dayday in ay la xidhiidho diyaarada Batik Air A320 ka dib markii ay soo gashay hawada Jakarta laakiin wax jawaab ah ma helin.

Aamusnaanta raadiyahaasi waxay qaadatay 28 daqiiqo ilaa duuliyaha hogaanka uu ka kacay oo uu ogaaday in kaaliyihiisii ​​uu isna hurday. Waxa kale oo uu ogaaday in diyaaradda ay muddo kooban ka leexatay wadadii ay ku socotay.

Duuliyayaasha ayaa dabadeed ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Jakarta waxayna si nabad ah u dejiyeen diyaaradda.

Duuliyeyaashan ayaa Tijaabooyin caafimaad oo la sameeyay ka hor duulimaadkooda waxaana la sheegay in ay caafimaad ahaa ku habboon yihiin inay duullaan. Cadaadiska dhiiggoodu iyo garaaca wadnahooda ayaa ahaa mid caadi ah, baadhistii khamrigana way ka gudbeen.

Maamulka ayaa hadda si adag ugu canaantay shirkada Batik Air shilka, iyada oo madaxa gaadiidka cirka ee Indonesia, M Kristi Endah Murni, uu sheegay in Batik Air ay tahay inay aad u fiirsato wakhtiga nasashada ee shaqaalahooda.

Balse Batik Air ayaa sheegtay in ay ku shaqaynayso siyaasad nasasho oo ku filan shaqaalaha iyo in ay “ka go’an tahay in ay dhaqangeliso dhammaan talooyinka badbaadada”.

2019, isla diyaarada ayaa lagu qasbay inay degto deg deg ah ka dib markii duuliyihii uu miyir beelay .