Wasaaradda Qorshaynta JSL oo Kulamo la Yeelatay Daneeyayaasha Somaliland ka Taageera dhinaca Horumarka

0
102

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa kulan la qaatay madaxda sare  ee wasaaradda arrimaha dibedda   Denmark iyo hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Denmark.

Wasiirka iyo  daneeyayaashan horumarinta Somaliland ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed dalka Denmark ka taageero Somaliland, iyo sidii loogu salayn lahaa mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad.

Sidoo kale intii kulankaasi socday waxa lagu lafa-guray   siidii looga wada shaqayn lahaa korna loogu qaadilahaa mashaariicda wax lagaga qabanayo  isbadelka cilimada, ka hortaga   abaaraha iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Somailand iyo Denmark.

Geesta kale waxa uu wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka Somaliland kulamo la qaatay toddobaadkii ina dhaafay hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee  (UNICEF), World Vision iyo Concern World Wide.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland ayaa  ku hawlan dardar gelinta horumarinta hawlaha qaranka hor-tabinta u leh, waxaaney si joogta ah kulamo wada tashi ay ula yeelata daneeyayaasha horumarinta Somaliland.