Ciidanka Booliska Somaliland oo soo Qabtay Dirawal Hooyo Umul ah Jiidhay

0
55

Hargeysa (Dawan):-Ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay inay soo qabteen isla markaana gacanta ku soo dhigeen eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40-jir ah, kaas oo haweenay umul ah ku jiidhay agagaarka  xaafada Sacaadadiin ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale warka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland, waxa lagu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono laamaha cadaaladda.

Warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah uu saaka (Shalay) ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah.

Eedaysanaha jiidhay hooyadan umusha ah  ayaa ka mid ahaa dirawallada gaadiidka ee Dawladda Hoose caasimada Hargaysa.

Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta ku soo dhigay Eedeysanaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska.

Sidoo kale waxa ciidanka boolisku bulshada ku wargeliyanaya in sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qaybsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo.”

Geesta kale Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay xaaladda haweeneey uur lahayd oo dhawaan uu gaari ku dilay magaalada Hargeysa,

 

Maayarka ayaa sheegay in uu lakulmay qoyska Hooyada gaadhiga dowladda hoose uu ku jiiray magaalada Hargeysa . waxa u sheegay maayarku in boolisku ay gacanta ku hayaan kiiskaas oo ay baadhayaan.

Maayarka ayaa sheegay in in aan aanay jirin maxaabiis u xdhrneyd kiiska oo lasii daayey. Isagooo shacabka uga digay in ay rumeeystaan wararka beenta ah .