Fulinta Ballanka Waalidka

0
66

Isagoo hantiile ah oo da’diisuna gaadhay 70 sano ayuu ka qalin jebiyay Jaamacadda  kulliyadda ganacsiga.  Wiilka uu awowga u ahaa ayaa weydiiyay waxa ku kelifay inuu ku sabro oo adkaysto oo ugu danabayntii ka qalin jebiyo jaamacadda?

Waxaana uu ugu jawaabay: ” Waxaan fulinayaa ballan aan hooyaday  la galay oo ay igula talisay inaan aqoonta ganacsiga shahaado ku qaato, waxa ay dhimatay 50 sano ka hor iyadoo xanuunka kansarku sabab u ahaa. Waxaana aan qiimayanayaa balanka taladaasi wanaagsan ee ay siisay inaan fuliyo, waana taasi tan aan u qaatay shaahadda ganacsiga. Fulinta balanku waa mihiim, ka waalidkuna waa uu ka sii mudan yahay.

.