“Haddii Dawladda Itoobiya Ay Inna Ictiraaftay, Waa Taynu Raadinaynay ee Aynu La Shaqayno”Gudoomiye Saleebaan

0
84

Hargaysa (Dawan):-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in dawladda Itoobiya diyaarinayso dariiqii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland, waxaanu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsatay madax bannaanida Somaliland, waxaanu guud ahaan shacabka Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan oo meel looga soo wada jeedsado sidii guushaasi loo gaadhi lahaa.

Guddoomiyaha guurtida oo wax laga waydiiyay inay jiraan dawladaha qaar cadaadis ku saaraya Itoobiya arrinta heshiiska badda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Masar iyo Soomaaliya ayaa kaga jawaabay sidan

“bal eeg waxa aad ii sheegaysaan, waar Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan waxa leh shacabka Somaliland iyagaa raba, iyagaa gelaya, haddii dawladaa Itoobiya ina Ictiraaftay waa taynu raadinaynay, ILLAAHAY mahadii weeye, aynu la riixno oo aynu sidaasi kula shaqayano.

Waxaa kale ee Masar iyo Turkiga iyo Soomaaliya ka hadha, Soomaaliya maxay ka qaban kartaa, afka ayuun bay iska xumaynaysaa inagana nacayb ayuun bay innagu beeraysaa, nacaybkana la qaadan maynee ka hadha oo aynu hawshaasi wada qabsano dad walaalo ah oo Soomaali ah aynu wada noqono”.

Geesta kale guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Mxamuud Aadan ayaa ka hadlay khilaafka guddida Doorashooyinka Qaranka oo xubinta ku matasha Xisbiga Wadani uu Madaxwaynu u gudbiyay golaha Wakiillada si ay maamuus ka xayuubin ugu sameeyaan kadib markii guddidu ay dacwad u gudbiyeen, guddoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiga Wadni ka cago jiidayo qabsoomida Doorashada, waxaanu soo jeediyay inay soo bedelaan xubintooda mar haddii madaxwaynuhu yidhi soo bedela.

Guddoomiyaha ayaa sheegay haddii ay soo bedeli waayaan xubintooda Xisbiga Wadani in xubnaha kale ay ku filan yihiin arrimaha Doorashooyibka shaqadoodana ay qabsanayaan.

Geesta kale waxa uu sheegay guddoomiyuhu inay la kulmeen guddidii ka soo talo bixinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya kuwaas oo shir-gudoonka iyo ka gole ahaan ba u sheegay inay nala socodsiinayaan halka ay wax u marayaan, waxaanu sheegay inay warbixin ka siiyay goobihii ay booqdeen iyo hawlaha loo igmaday halka ay marinayaa.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa u soo jeediyay ururada Siyaasada dalku inay u diyaar garoobaan  isla markaasina ay galaan doorashada, waxaanu gudoomiyuhu xusay inay ku khasban yihiin inay galaan doorashada, iskana ilaaliyaan wixii khilaaf iyo dib u dhac u keenaya.

 

Guddoomiyaha guurtida ayaa intaa ku daray in Odoroska Miisaaniyada sanadkan 2024 ay ka gudubtay golaha Wakiillada, isla mar ahaantaana ay hortaalo Madaxwaynaha Qaranka, kaas oo la sugayo inuu qalinka ku duugo.