Xukuumadda Somaliland oo Soo Saartay Go,aamo Amniga Lagu Adkaynayo

0
78

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Qaranka oo Shalay ka qabsoomay Taliska Ciidanka qaranka , kulankan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha guud ee Ciidamada kala duwan.

 

Kulanka oo ahaa mid muhiim u ah dhinaca amniga dalka, isla markaana aad loogu gorfeeyay adkaynta iyo ilaalinta nabadgelyadda dalka ayaa waxa shacabka Somaliland lagu faray inay ciidanka amniga gacan ka siiyaan wixii lidi ku ah ama wax yeelaya nabadgelyada dalka.

 

Sidoo kale kulankan ayaa waxa si qoto dheer looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa adkaynta nabadgelyadda wakhtiyada bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo wakhtiga ciida oo ay suuqyada dalku yihiin kuwo aad u mashquul ah.

 

Kulankan waxaa ka soo baxay Qodobadan:

 

1- shirka waxaa soo baxay in la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.

 

2- In Maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo Suuqyada Caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn.

 

3- Waxaa la farayaa bulshada ku Ganacsata suuqyada waaweyn ee Caasimada Dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha maalmaha Ciidda.

 

4- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabadgelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta Nabadgalyada.

 

5- Waxaa lala socodsiinayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega Laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.

 

6- Waxaa la farayaa Ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18 ka May ee loo diyaar garoobayo.

 

 

Gebo’gabadii masuuliyiinta amniga dalka oo uu hormood u yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday kulamo lagu xoojinayo adkaynta amniga