Ku-xigeenka Duqa Caasimada oo Furay Tartanka Kubadda Cagta ee Garoonka Gacma-Dheere

0
71

Hargeysa (Dawan) Maayer ku-xigeenka caasimada Hargeysa, Khadar-nuur, ayaa shalay si rasmi ah u furay tartanka kubadda cagta bisha ramadaan ee ka socda garoonka kubadda cagta gacma-dheere ee xaafadda goljanno. Ciyaartii furitaanka tartanka waxa lagu furay kooxaha Galjanno FC iyo ABCO spareparts. Ciyaar qurux badan oo labada kooxood kusoo bandhigeen gegida gacma-dheere, ayaa ugu dambeyn waxay ciyaartaasi kusoo dhammaatay 4-2 ay guushu ku raacday kooxda ABCO spareparts. Tartankan oo ay ku loollamayaan 8 kooxood ayaa ay shalay labadii kooxood ee u horreeyay ay yeesheen kullankoodii koowaad. Dhinaca kale Masuuliyiin ka socday xukuumadda iyo sidoo xubno ka socday golaha deegeenka Hargeysa oo uu horkacayay ku-xigeenka duqa caasimada Khadar-nuur, ayaa kasoo qeybgalay furitaankii tartankaasi oo shalay ka bilaabmay garoonka kubadda cagta xaafadda goljanno ee gacma-dheere.

Ku-xigeenka maayerka Hargeysa oo khudbad kooban ka jeediyey madasha ayaa soo dhaweeyay tartanka bisha ramadaan ee ka bilaabmay garoonka Gacma-dheere, isagoona sheegay in ka gole deegaan ahaan ay garab taagan yihiin tartannada kubadda cagta ee ka socda garoomada kala duwan caasimada Hargeysa. Maayer Khadar waxa uu ballanqaaday inay garab istaagi doonaan dhallinyarada iyo tartannada kubadda cagta, gaar ahaan tartankan ka bilaabmay xaafadda Goljanno. Golaha deegaanka oo uu afkooda ku hadlayay ayaa uu sheegay inay wixii farsamo ee hagaajin ah ay ka geysan doonaan garoonka gacma-dheere.

Bisha ramadaan ayaa inta badan caasimada hargeysa lagu soo bandhigaa isdhexgal dhanka dhallinyarada ah, iyadoo garoomada kala duwan ee caasimadu leedahay lagu qabto tartanno kubadda cagta ah, kuwaasi oo bulshadana u noqda goobo madadaalo.