Wasiir Siciid Sulub oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxda Hay’ada The_Save_Children

0
63

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Siciid Sulub  Maxamed,ayaa  shalay  xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’ada (The_Save_Children).

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Siciid Sulub  Maxamed shalay  xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’ada (The_Save_Children).

Wasiirka iyo Madaxda Hay,adda The_Save_Children ayaa ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta ka dhaxaysa iyo xoojinta mashaaariicaha kala duwan ee ay dalka ka fuliyaan.

Waxa  kale oo lagaga wadahadlay  kulankan Mashaariicda kala duwan ee Hay’ada The_Save_Children iyo Wasaaraddu  iska kaashadaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa qorshayaasha cusub ee mashaariicaha  ee isla sanadkan 2024 gudihiisa ah.waxaana kulankan ku soo dhamaaday isagarad.