Ruushku maxay baraan ardayda Dugsiyada gobollada Ukraine ee Ruushku qabsaday?

0
66

Sida malaayiin dad ah oo deganaa gobollada Ukraine ee Ruushku qabsaday, Nataliia (ma aha magaceeda dhabta ah) oo macallimad ah waxa lagu qasbay in ay  gurigeeda joogto oo aanay Iskuulka waxba ka dhigin.

Waxay ku nooshahay magaaladeeda koonfureed ee Melitopol, waxay u dulqaadan wayday ku hoos noolaanshaha gumaysigii Ruushka laakiin kamay tegin gurigeeda..

Sidaas oo kale qaraabadeediina kamay tegin, laakiin waxay iska dhiibtay xirfadeedii, taas oo ah shaqadeedii 20-ka sano ee macalinimo.

Hadda waxay waqtigeeda ku bixisaa inay casharro online ah siiso boqolaal ardaygeedii hore ah. Taas oo khatarta weyn u leh iyada iyo fasalkeeda. Waa shaqo aan hore loo qaban, “Qofna sidan hore uma samayn”.  “Lagama qaban Crimea, Donbas, Kherson Zaporizhzhia gobollada la haysto oo dhan.” Ayey tidhi Natalia.

Sawirada Vladimir Putin ayaa hadda ku dheggan gidaarada fasaladii hore ee Nataliia ee Melitopol. Ardaydu waa inay bartaan, oo ay ku heesaan heesta calanka Ruushka. Waxay xitaa ku qasban yihiin inay u qoraan “hadalo dhiirigelin u ah askarta Ruushka”.

Sidan ayaa carruurta Ukriane  wax loogu bartaa dhulalka uu Ruushku haysto. Waxaa la baray in Ukraine aanay ahayn waddan dhab ah – Natalia waxay tidhi, haddii ilmuhu ka hor yimaado manhajka, waalidkood waxaa loogu hanjabay garaacis ama jidhdil.

Waa sababta Nataliia, iyada iyo asxaabteedii hore, ay u abuureen goob waxbarasho oo online ah si ay isugu dayaan inay “badbaadiyaan maskaxda carruurta Ukraine”.

“Markii aan bilownay, waxaan qoray warqad dhexdhexaad ah, oo fursad siinaysa fasallada iyo dhammaan waalidiinta,” ayay tidhi Nataliia. “Maan garaneyn cidda u janjeedhaan xagga Ukraine ama Ruushka, waxay keliya garanayeen ciwaanka gurigayga iyo qaraabadayda”.

Natalii waxay tidhi xitaa ku dhawaaqida ereyga “la haysto” ama “occupation” waxay kugu keeni kartaa in mas’uuliyiinta Ruushka ay soo booqdaan gurigaaga. Haddii ilmaha lagu arko wax caddayn ah in ay daacad u yihiin Ukraine, ama laga arko ilmaha oo meel Ruushka ah ku qoraya Ukraine, booliska ayaa la raacinayaa.

Hase yeeshee, boqolaal qoys ayaa qaatay dalabka Natalia si ay u baraan manhajka Ukraine waanay sii kordhayaan.

Subaxdii, waxay dhigtaan dugsiga Ruushka, galabtii ama fiidkiina, ardaydu waxay casharro qarsoodi ah oo internetka ah la leeyihiin macallimiin Ukraine ah.

“Nabadgelyadu way ka muhiimsan tahay aqoonta. Dhammaan ardaydu waxay ku biiraan kamaradahooda waxayna isticmaalaan naanaysyo been ah,” ayay tidhi Natalia.

Duubista waxaa la siiyaa kuwa aan lahayn bar ay ka soo galaan ama koronto.

“Ma aha mid aad muhiim u ah in la baro carruurta sanadka uu dhashay Taras Shevchenko [gabayaa Ukraine ah oo caan ah], ama xeerarka joomatari, laakiin in lagu ilaaliyo iyaga oo ku xidhan dhaqanka Ukraine,” ayay sharraxday.

“Waxaan hayaa hal arday oo guriga yimid oo ooyay oo ka ooyey casharradii Ruushka. Tani waa cadaadis maskaxeed oo aad ugu badan ilmo carruur ah. Noloshooda oo dhan waxay ku noolaayeen deegaan Ukraine ah – si lama filaan ah, wax walbaa way isbeddeleen.”

Natalia waxay qiratay ujeedada waxbarashadeeda si joogto ah loo tijaabiyo. Inta uu Ruushku sii haysto Melitopol, waxa sii badanaya khatarta carruurta ku nool halkaas in lagu faafiyo.

“Ma hubin karo shaqadooda guriga si caadi ah,” ayay tidhi. “Waxaan u baqayaa jiilkeena mustaqbalka. Aad bay muhiim u tahay in carruurtan lagu xiro xaqiiqda. Laakiin aad bay u adag tahay in la sameeyo.”