Maxkamd ku saabsan Toogasho 50 sano ka kor ka dhacday gidaarkii Berlin oo hadda la qaadayo

0
73

Xubin ka tirsan ciidankii sirta ee maamulkii shuuciga ahaa ee dalkii Jarmalka Bari, ayaa lagu qaadayaa maxkamad dalka Jarmalka, waxaana lagu eedeeyey inuu dhabarka ka toogtay nin Polish ah oo isku dayey inuu u baxsado dhinicii Jarmalka galbeed.

Xubintan oo aan la magacaabin waa hawl gab, waxaana uu muddo dheer oo sanado ah nabad uga fadhiyey guri gaar ah oo ku yaal duleedka Leipzig, isaga oo ilaalinaya beertiisa.

Hadda, waa 80 jir ah, waa taliyihii hore ee ciidankii sirta oo lagu magacaabi jiray Stasi. Sanadkii 1974 ayuu toogay Czeslaw Kukuczka oo isku dayay inuu ka baxsado nidaamkii shuuciyadda, waa 50 sano ka hor.

Isaga oo la hadlaya qareenkiisa, wuu diiday eedeymaha dilka ah ee maxkamadda la horkeenay Khamiistii. Si rasmi ah looma xaqiijin magaciisa laakiin dacwad oogayaasha waxay sheegeen inuu u shaqaynayay Stasi, waxa lagu eedeeyay in uu dhabarka ka toogtay Czeslaw Kukuczka xilli uu isku dayay in uu ka gudbo Bariga Berlin una sii gudbo Galbeedka.

Kukuczka waxa uu ahaa dab-demis u dhashay dalka Poland iyo aabbe dhalay saddex carruur ah, kaas oo aad u doonayay in uu nolol cusub ka bilaabo Galbeedka.

Sannadkii 1974-kii ayuu ka soo tagay Poland, si uu usbuuc u sii joogo Bariga Berlin. Dhab ahaantii, waxa uu lahaa qorshe uu ugu baxsado Galbeedka Berlin ka dibna uu u tago Maraykanka oo uu qaraabo ku lahaa.

Kukuczka ayaa intii uu ku sugnaa Bariga Berlin tegay safaaradda Poland isaga oo sita shandad ama boorso, taas oo uu ku hanjabay inuu ku jirto bam.

Wuxuu ku hanjabay inuu qarxin doono safaaradda haddii aan loo ogolaanin inuu ka baxo Jarmalka Bari.

Kukuczka ayaa la siiyay dukumentiyadi uu doonaayey, laakiin waxa la raaciyey saraakiisha Stasi si uu uga gudbo barta kontoroolka ee ku taal saldhigga tareenka ee Friedrichstrasse ee looga gudbo Galbeedka.

Waxa uu u maleeyay in qorshihiisu hirgalay, balse waxa ay ahayd khiyaano.

Markii uu sii socday Mr Kukuczka ayaa dhabarka laga toogtay. Ka dib waxa uu dhiig bax ugu dhintay cusbitaal ku yaala xabsiga Hohenschönhausen ee Stasi leedahay. Stasi waxay ku andacootay inuu Bam sitay, laakiin Kukuczka boorsadiisa aanay ku jirin wax bam ah. Saraakiisha Jarmalka Bari iyo Polish ayaa isku dayay in ay kiiska qariyaan, iyaga oo aan xitaa u sheegin qoyska Kukuczka wixii dhacay.

 

Koox ka mid ah gabdho iskuuley ah oo Jarmal ah oo ka soo laabtay safar waxbarasho oo ay ku tageen Bariga Berlin ayaa sheegay in ay arkeen nin xidhan jaakadaha roobka iyo muraayadaha qorraxda oo taagan goobtii. Ninkaas, ayay dacwad oogayaasha, ku sheegeen in uu ahaa sarkaalkii hore ee Stasi ee la keenay maxkamadeynta Berlin Khamiistii.

Qoyskiisu may helin weligood sheekadii wiilkooda. Intii lagu jiray 1990-meeyadii, dib u midoobidii Jarmalka ka dib, waxaa jiray baadhitaanno badan, laakiin marnaba caddayn ku filan oo lagu raadinayo gacan-ku-dhiiglaha. Sanadkii 2005 kiiskii waaba la xidhay.

Laakiin 2016-kii, taariikhyahannada Polish iyo Jarmal waxay caddaymo cusub ka heleen kaydka Stasi, oo ay ku jiraan diiwaannada tilmaamaya in eedaysanuhu u muuqdo inuu ku helay billad naxaas ah doorkii uu ku lahaa kiiska.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay rumaysan yihiin in caddaynta cusub ay caddaynayso in 80-jirka hawlgabka ah uu yahay ninkii dilay. Kaydka ayaa sidoo kale muujinaya in Czeslaw Kukuczka boorsadiisa aysan ku jirin wax bam ah oo ay beenisay sheegashadii dambe ee saraakiisha Jarmalka Bari ee ahaa in uu qori sitay.

Ugu yaraan 140 qof ayaa la dilay iyagoo isku dayaya inay ka baxaan Jarmalka bari ee shuuciga ah, iyadoo darbiga Berlin uu kor u kacay. Waa naadir in kuwa masuulka ah ay wajahaan cadaaladda.

Ilaa hadda, kuwa la dacweeyay waxaa guud ahaan lagu eedeeyay dil, ee laguma eedayn dil.