Wasiirka Biyaha JLS, oo la Shiray Maareeyeyaasha Wakaalaha Biyaha Dalka

0
117

Hargaysa (Dawan):Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shir muhiim ah la qaatay dhammaan Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha dalka.

 

Kulankaas waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha  Sulayman Yusuf Cali koore ku Welinayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Marwo Nafisa Maxamuud Shirwac waxaanay kulan la qaateen Maareeyaasha Wakaaladaha Dalka, kaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradda iyo Wakaaladaha biyaha dalka.

 

Kulankan oo ku saabsanaa horumarinta Wakaaladaha Biyaha dalka ayaa ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Maareeyayaasha Wakaaladaha waawayn ee dalka.

 

Sidoo kale intii uu shirku socday waxa lagu lafaguray hawlaha shaqo ee ay Wakaaladuhu u xil-saaranyihiin iyo sidii xal looga gaadhilahaa caqabadaha ka hor-yimaada Wakaaladaha,

Waxa kale oo war-bixino hawl-qabadyadooda iyo qorshayaashooda la xidhiidha lagaga dhagaystay Maareeyayaasha Wakaaladaha Dalka.

 

Dhinaca kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii loo horumarin lahaa hawlaha shaqo ee Wakaaladaha dalku ay u hayaan bulshadooda iyo dalkoodaba, waxaana la isku wadaarsaday xogo muhiim ah oo la xidhiidha shaqada Wakaaladaha iyo sidii ay gacan uga siin lahayd wasaaradda kheyraadka Biyuhu hawlahooda shaqo.

 

Gebo’gabadii kulankan ayaa ku soo dhammaaday jawi degan, waxaana la isla qaatay in Wakaaladaha biyaha dalku ay xoojiyaan shaqadooda iyo sidii loo heli lahaa biyo ku filan magaalooyainka d