Hargaysa: Booyad ku Gaddoontay Buurta Ina Naxar

0
136

Hargaysa (Dawan) Mid ka mid ah Booyadaha biyaha waraabiya magaaladda Hargaysa ayaa ku qalibantay, xaafadda Isha Boorama gaar ahaa wadada Buurta Ina Naxar.

Booyadan oo siday biyo ayaa markii ay soo bilawday marista jidka buurta Ina Naxar xagiisa sare ku qalibantay,shilkan booyadeed ayaa ay ka badbaadeen dirawalkii iyo inankii la socday,marka laga reebo khasaaraha booyada soo gaadhay.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Wargeyska Dawan in dirawalka booyada dhacday waday uu badbaadiyay xaafadaha ka hooseeya buurta, gaadhigu markii dhacayayna xaga buurta la doontay.

Buurta gaadhigan booyadahi ku gaddoomay ayaa dhanka bannaanka waxaa ka hooseeya xaafado badan oo halis ugu jira shilalka gaadiidka waxaanay waddadaasi u baahan tahay in dhanka Jarka xayndaab lagaga sameeyo.

 

ย 

ย