Shir ku Saabsan Turjumaada Xeer Nidaamiyeyaasha wax soo Saarka Shidaalka oo lagu qabtay Hargeysa

0
94

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, ayaa lagu qabtay shir ku saabsan turjumaada xeer nidaamiyeyaasha wax-soo-saarka shidaalka, kaas oo socnaya muddo lix bilood ah, kana kooban shan xeernidaamiye.

Xeer nidaamiyayaashan oo kala ah, Xeerarka Shidaalka ee Mawduuca Qaranka, Xeerarka Maareynta Kheyraadka Xogta, Xeerarka Shidaalka ee HSE, Xeerarka Cabbirka Shidaalka ee kor u kaca, Xeerarka Guud ee Kor u kaca Shidaalkaka soo qaybgalayasha kulanku waxa ay kala ahayeen,

Shirka waxa furitaankiisi goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Saciid Axmed Jibriil , la taliyaha farsamo ee Arimaha shidaalka Shidaalka Saciid M. Dhamac, Eng. Maxamud Jamac (Jabali), agaasimaha wasaaradda Qorshaynta Muuna Cabdillaahi, agaasimaha waaxda Shidaalka Yusuf Muse iyo injineero ka tirsan Waaxda Shidaalka.

Kulanka waxa furay agaasimaha waaxda Shidaalka isaga oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay dib u habaynta iyo turjumaada xeernidamiyayaashan, taasi oo ka qayb qaadanaysa soo jiidashada maal gashiga dhinca khayraad dabiiciga sidaa baadhista iyo soo saarka shidaalka, sidoo kale la xisaabtanka shirkadaaha heshiisyada dawlada kula jira.

Sido kale waxaa talooyin so jeediyay labada khabiir Eng Saciid Dhamac iyo Eng Maxamud Jabali kuna dheeraday sida ay u muhiimsantahay in la dhiso shuruucdaa iyo xeerarka shidaalka dalka.

Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xidhay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Saciid Axmed Jibriil isag oo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay uu leedahay dalka in xeerarka iyo shuruucdaba dhamaystirnadaan, sidoo kale ay si fudud maalgashiga shisheeye ay ugu soo hiran karaan dalkeena, gunti iy gunaandkina waxaa uu ku booray injineerada iyo khubarada mudada 6 bilood ku diyaarin doonta xeernidaamiyayaashan inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii hawshaasi uu guulaysan lahayd.