Hooyo Daymeysan oo Bulshada Farriin u Dirtay

0
93

Hargeysa (Dawan) Hooyo Deeqa Faarax Cismaan oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland, ayaa sheegtay in lagu leeyahay lacag dhan 8 kun oo dollar.

Hooya Deeqa waxa ay xustay in dayntan lagu yeeshay kadib markii loo soo damiintay guri Jiingada qalabkiisa, waxa ay intaas ku dartay in waxa ugu weyn ee hadda ay ka warwarta ay tahay in la xidho.

Hooya Deeqa waxa ay bulshada Islaamka ka codsaneysa in looga gurmado bixinta daynta ay itaalka u weyday, ee habeen iyo maalinba ay ka warwarayso, waxa ay qayla dhaan u dirsatay cidkasta oo warkeedu gaadho.

Waxaaney tidhi.“Dayn 8-kun oo dollar ah ayaa la igu leeyahay, alaabtiiba dibeda la ii dhigey, kiradii waan iska bixin kari waayay, waan xannuunsaday, indhihiibaan beelay, cagihiibaan beeley.

Dad Islaameed ayaa guri sandaqada noo damiintay, jago ay leeyihiina way noogu dhiseen, hadda guud ahaan amaahdii nalaga sii damiintay 8 kun oo dollar ayay noqotay, dayntaasi way nagu raagtay muddo badan ayaa nalgulahaa, hadda xadhig ayaa nalo diyaariyay aniga iyo wiil aan dhalayba, walaalahayaga Muslimiinta waxaan ka codsanayna inay daynta ILLAAHEY dartii nooga soo bixiyaan”