Wasiirka Ciyaaraha oo Shaqo joojin ku sameeyey Guddoomiyihii Xidhiidhka kubbada Cagta Somaliland

0
65

Hargeysa( Dawan)Wasiirka  Wasaarada Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax  ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyihii xidhiidhka kubadda cagta Somaliland  Fu’aad Axmed Cali.

Qoraal shalay ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha  ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta lagu sababeeyay khaladaad ka yimid Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta dartii.

Waxaana ay u dhigbayd Sidan.
“Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Wasiirka.

Ujeeddo: Shaqo Ka Joojin Ivo Baadhis

Markaan arkay khaladaadka is daba jooga ah ee ka imanaya Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta, Markaan ku qancay in nidaamkii maamul ee xidhiidhka kubbadda cagtu ka bilaabmo kuna dhamaado Gudoomiyaha, markaan ogaaday inay jiraan khaladaad waawayn oo ah hanaankii toosnaa ee ciyaaraha in uu ka leexday, markaan tixgeliyay cabashooyinka joogtada ah ee ka imanaya habkii iyo hanaankii loo maray abaalmarinadii tartantankii horyaalka horyaalada 2023/24, markaan dib u raacay in ciyaaro ka mid ah Horyaalada Gobolka Maroodi jeex 2023 loo maamulay sifo sharci daro ah ayaa waxaan kaa joojiyay shaqadii aad ka haysay Xidhiidhka Kubbadda Cagta laga bilaabo taariikhda sare ku xusan. Sidoo kale waxaan u magacaabay inay baadhis ku sameeyaan arimaha hoos ku xusan guddida baadhista kuwaas oo warbixin cadaalad iyo xaqiiqo ku qotanta ka keeni doona arimaha baadhistu khusayso mudo 30 cisho ah.

Arimaha ay baadhayaan Guddida Baadhistu ayaa waxay yihiin.

1. Sababta TV ga qaranku uga maqnaaday xafladii bixinta Abaalmarinta Tartanka Horyaalka Horyaalada Kubbadda Cagta Somaliland 2023/24 ee ka qabsoontay magaalada Berbera.

2. Habkii iyo nidaamkii loo maray cidii ku guulaysatay abaalmarinihii Tartanka Horyaalka Horyaalada 2023/24 iyo Horyaaladii kubbadda cagta ee gobolada 2023.

3. Ciyaaro ka mid ah tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Hargeysa oo ay jirto nidaam

xumo ku saabsan kooxo heshiisyo dhex mareen isla markaana kala qaatay lacag taas

oo ay ka heshiiyeen natiijada ciyaarta. 4. Qaabdhismeedka Xidhiidhka iyo sida nidaamkoodu u waafaqsan yahay Dastuurka Xidhiidhka Kubbadda Cagta.

5. Lacagta laga qaado kooxaha (Diiwaan gelinta, Kala libsiga, Ganaaxyada iwm) nidaamka ay marto ee hab xisaabeed mudo 3 sano ah (2021, 2022, 2023).

6. Hadalo ku lidi ah Qaranimada Somaliland oo muuqaal ah oo uu ku hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagtu kuna sugan baraha bulshada xaqiiqadeeda.”