Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kormeeray Xafiiska Xidhiiidhka Ciyaaraha Teakwondo-da ee Hargeisa

0
53

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq  Muuse Faarax ayaa shalay  kormeer shaqo iyo indho indhayn ku tegay Xafiiska Xidhiiidhka Ciyaaraha Teakwondo-da ee Magaalada Hargeisa,

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq  Muuse Faarax  ayaa sheegay in ay ka go,an tahay wasaarad ahaan  wax kasta oo lagu horumarinayo dhallinyarada,

Wasiirka oo ka hadlayay kormeerka uu ku tegay Xafiiska Xidhiiidhka Ciyaaraha Teakwondo.Waxa uu yidhi”Waxaan u mahadcelinayaa  Agaasimaha waaxda Ciyaaraha hablaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadra Kaliil iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mustafe Cali Nuur,waxaana  aan boogaadinayaa Guddoomiyaha Xidhiidhka laacdanta lugaha ee Teakwondo-da Mustafe Cabdi Aadan oo Xidhiidhka laacdanta Ciyaaraha  lugaha  Somaliland ku soo kordhiyay oo horumariyay.waxa kale oo aan boogaadinayaa cid kasta oo kala shaqaynaysa arintan iyo dhalinyarada reer Somaliland ee wakhti ku bixiyay in Ciyaartan bartaan,Wasaarad  ahaan waanu barbar taaganahay wax kasta oo kor u qaadaya Siyaasada Somaliland ee dhinaca dhalinyarada,”.

Waxaana Wasiirka kormeerkan ku wahelinayay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mustafe Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha Hablaha Marwo Khadra Kaliil