Xikmadaha

0
67

Nin ayaaย  maalin u yimid sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysa saxaabada Nebiga (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo badan ugu lahayn sirta ku jirta?

Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:

  • Waxaan ogaaday in risqigayga cidna iga qaadaan karin, markaa qalbigaygu wuu degay oo xasilay.
  • Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameeneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay.
  • Waxaan ogaaday in Allaah (sw)ย  i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.
  • Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aad dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka rabbi.
  • Bulshada ficil wax ugu tar, hadal waxba ma taro.