Haweenka Afrika ee Guryaha Cumaan ka shaqeeya iyo sida loola dhaqamo

0
63

In ka badan 50 haween ah oo reer Malawi ah, ayaa loo tahriibiyey in ay ka shaqaystaan dalalka khaliijka iyaga oo loo ballan qaado shaqooyin kala duwan, hase ahaatee waxay la kulmaan khiyaano iyo shaqooyin aan ahayn shaqooyinkii ay filayeen. Waxa lagula kacaa Adoonsi, Galmo iyo jidh dil. Ugu horayn waxa laga qaataa Passport-ka, sidoo kale waxa loogu hanjabaa in ay naftooda waayi doonaan hadii ay ka warbixiyaan waxyaabaha lagu sameeyo, sidaana waxa sheegay dad badan oo laga soo badbaadiyey.

Barnaamijka  BBC Africa Eye ayaa badhaaya koox reer Malawi ah oo loo tahriibiyey jiray Cumaan si ay uga shaqeeyaan iyo wixii ay kala kulmeen.

Georgina waa Haweeney 32 jir ah oo ka soo badbaaday dhibaatadii ay la kulantay markii iyada oo rajo ka qabta nolol dhaanta tii ay haysatay u tahriibtay, waxay shaqaale ka noqotay qoys Cumaan ah.

Gabadhan, oo magaceeda ku soo koobtay Georgina, waxa loo sheegay inay ka shaqeyso Dubai oo ay ku shaqaynayso darawalnimo.

Waxay kala tuurtay ganacsi yar oo ay ku lahayd Lilongwe, caasimadda Malawi, waxaana u yimid wakiil u sheegay in ay lacag badan ka heli karto Bariga Dhexe.

Waxay xaqiiqadii noqotay in ay diyaarad ku tegtay magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan, waxaanay xaqiiqsatay in la khiyaameeyay, waxa gacanta laga geliyey qoys iyo shaqo adag toddoba maalmood todobaadkii ah.

“Waxaan gaadhey heer aanay qaadan karin,” sida ay tidhi, iyada oo hurdo seexta wax yar oo laba saacadood.

Iyada oo aan wax badan shaqadii ku jirin ayaa madaxii qoyska uu bilaabay inuu ku qasbo inay la sameyso galmo, isaga oo ugu hanjabay inuu toogan doono haddii ay wax sheegto.

“Ma ahayn isaga oo keliya,” sida ay tidhi. “Wuxuu soo kaxaysan jiray saaxiibo kale, oo uu aduun kaga qaadan jiray galmada Georgina.”

Waxa lagu qiyaasaa in ku dhawaad ​​laba milyan oo haween ah dumarka ka shaqeeya guryaha dalalka Khaliijka Carabta. Sahan laga qaaday 400 oo haween ah oo Cumaan ka shaqeeya oo ay samaysay hay’ad samafal oo muhaajiriin ah oo lagu magacaabo Do Bold, waxa la ogaaday in ​​dhammaan ay wada yihiin dhibanayaal ka ganacsiga dadka ee la soo tahriibiyey, warbixintaasna waxa daabacday waaxda ka ganacsiga dadka ee Arrimaha Dibadda Maraykanka 2023.

Dhammaan waxay la kulmeen xad-gudbayo iyo takoorid.

Georgina waxay noqotay quus ah, waxaana qoraal ay soo dhigtay Facebook-ga ka codsatay qof caawiya.

Fariinteedii waxay gaadhay meel kumanaan mayl u jirta oo ah gobolka New Hampshire ee dalka Maraykanka, 38 jir u dhaqdhaqaaqada baraha bulshada Malawi Pililani Mombe Nyoni ayaa aragtay fariinteeda waxayna bilowday inay baadho.

Waxay la xidhiidhay asxaabteeda barta Facebook-ga si loo badbaadiyo Georgina waxayna u gudbisay nambarkeeda WhatsApp-ka, kaas oo bilaabay inuu ku dhex wareego Cumaan. Isla markiiba waxa la garwaaqsaday inay tahay dhibaato ka ballaadhan.

“Georgina may ahayn dhibbanihii ugu horreeyay, xidhiidhku wuu sii socday, waxaana la helay dhibanayaal badan oo lagu khiyaameeyey ka ganacsiga dadka.

Waxa abuurmay koox WhatsApp-ka ah oo ay hormuud u tahay Pililani Mombe Nyoni, laguna magacaabo Do Bold.

In ka badan 50 dumar ah oo Malawi u dhashay oo ka shaqaynayey guri gudaha Cumaan ayaa ku biiray kooxda.

Wax yar ka dib kooxdii WhatsApp-ka waxay soo uruuriyeen qoraallo cod ah iyo muuqaalo, oo qaarkood aad looga naxay in la daawado, kuwaas oo tafaasiil ka bixinaya xaaladaha naxdinta leh ee ay dumarku waajahaan. Qaar badan oo ka mid ah ayaa isla markii ay yimaadeen laga qaatay baasabooradooda, kuwaas oo loo diiday in ay dhoofaan.

Qaar ka mid ah ayaa ka sheekeeyay sida ay isugu xidhaan musqulaha si ay si qarsoodi ah fariimo codsi ah ugu diraan.

“Waxaan dareemayaa in aan xabsiga ku jiro…marna ma baxsan karno,” mid ayaa tidhi. “Nolosheydu runtii khatar bay ku jirtaa,” mid kale ayaa tidhi.

Pililani Mombe Nyoni ayaa bilowday in ay la hadasho hay’adaha samafalka ee ka ganacsiga dadka ee Malawi, waxaana la baray xubnaha Do Bold ee fadhigeedu yahay Giriiga.

Do Bold waxay la shaqeysaa bulsho ka mid ah shaqaalaha soogalootiga ah ee ku sugan wadamada Khaliijka, iyada oo aqoonsanaysa dhibanayaasha tahriibinta ama shaqada qasabka ah ka dibna kala xaajooda loo shaqeeyahooda in la sii daayo.

“Shaqeeyayaashu ama dadka la soo tahriibiyey waxay wakiilka keenay ka codsanayaan shaqaale guri. Marka uu qofku guriga ama qoyska shaqaale ka noqdo caqabadaha ugu badan ee waxa ka mid ah inuu wakiilku yidhaahdo soo celi lacagtii lagugu keenay, markaa waxaad xor u tahay in aad ka tagto dalka, ayey Do Bold u sheegeen BBC.

“Sharciyada ka jira Cummaan waxay mamnuucayaan in shaqaaluhu ay ka tagaan loo-shaqeeyaha shaqada ma beddeli karaan, mana ka bixi karaan dalka – si kasta oo loola dhaqmo.”

Sharcigan waxa Bariga Dhexe looga yaqaan nidaamka shaqada ee “kafala”, kaas oo ku xidhaya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha muddada qandaraaskooda.

Ka dib saddex bilood oo ay ku sugneyd Muscat, Georgina waxay ku noqotay Malawi Juun 2021.

Pililani Mombe Nyoni waxay sheegtay in markii ay caawiyeen Georgina ay dareemeen in ay wax badan qaban karaan. Kiiskii Georgina wuxuu keenay qaylo dhaan cadaadisna waxa bilaabay dawladda Malawi iyo fargelin.

Georgina waxay timi iyada oo nool laakiin haweenka reer Malawi qaarkood waxa la keenay iyaga oo mayd ah, qaarna iyaga oo la gubay oo lagugu gubay Kijinkii ay ka shaqayn jirtay.

Aida Chiwalo oo 23 jir ah ayaa gurigeeda ku soo laabatay iyada oo ku jirta naxash. Ma jirin wax baadhitaan ah oo lagu sameeyay meydkeeda iyo baadhitaan lagu sameeyey dhimashadeeda kadib.

Dowladda Malawi, oo sidoo kale la shaqeysa Do Bold, ayaa sheegtay inay ku bixisay in ka badan $160,000 (£125,000) si ay 54 haween ah uga soo celiso Cumaan.

Maamulka Cumaan ayaa sheegay in wasaaradda shaqadu aanay wax cabasho ah ka helin shaqaalaha guryaha ee dhalasho Malawi ah sanadka 2022 iyo hal cabasho oo kaliya 2023-kii oo la xaliyay.

“Inta badan haweenkan waa la sii daayay waxa lagu sii daayey laxag la siiyay loo shaqeeyaha, min $1,000 ilaa $2,000,” sida ay sheegeen Do bold.