Askari hore oo Booliis gobolka Mississippi ah ayaa lagu xukumay 40 sano Jidh dil uu sameeyey awgeed

0
114

Askari hore oo ka tirsan booliska Mississippi ayaa lagu xukumay 40 sano oo xadhig ah kadib markii uu jidh-dil u geystay laba nin oo madow ah oo guri ay ka soo qabteen.

Christian Dedmon oo 29 jir ah, waxa  uu ka mid yahay lix sarkaal oo lagu xukumay weerar dhacay 24 January 2023.

Saddex kale oo saraakiil hore ah ayaa lagu xukumay in ka badan 54 sano oo xabsi ah marka xadhigooda laysu geeyo.

Michael Jenkins iyo Eddie Parker oo madow ah ayaa la garaacay, iyaga oo laga naxay qoryaha daran ee sida daran-dooriga loola dhaxayey iyo bahdil kale oo loo geystay.

Khamiistii, qareenada u doodayay dhibanayaasha ayaa soo dhaweeyay xukunka xabsiga ah ee lagu riday dhammaan lixdan nin, iyaga oo u sheegay CNN:  in ay tahay Maalin cusub oo rajo keentay.”

Maxkamadda, ayuu Mr Jenkins ka sheegay in Dedmon uu ahaa “kan ugu sharka badan” kuwa dhibka u geystay, hadal uu akhriyay qareenkiisu ayuu sidaa ku sheegay.

” Dedmon waa tusaalaha ugu xun ee sarkaalka booliis Maraykanka ah,” ayuu yidhi Mr Jenkins.

Saraakiishan ayaa ka jawaabayay wicitaan ka yimi magaalada Rankin ee degmada Braxton halkaas oo qof daris ahi uu sheegay in uu arkay dhaqamo laga shakiyay iyo rag madow oo ku sugnaa guri haweeney cadaan ah.

Booliska ayaa guriga soo galay amar la’aan.

Mr Jenkins iyo Mr Parker ayaa laga xidhay gacmaha, la garaacay oo lagu jeesjeesay aflagaado isir ah intii lagu jiray weerar socday saacad iyo badh.

Xaakimka dagmada Maraykanka Tom Lee ayaa sheegay in Dedmon uu qaaday “weeraradii ugu naxdinta badnaa, arxan darada ahaa ee la malayn karo” ee ka dhanka ahaa labada nin ee madowga ah iyo nin cadaanka ah intii lagu guda jiray joogsiga taraafiga toddobaadyo ka hor.

Qoyska Dedmon ayaa ku sugnaa maxkamada, qaar ayaa ooyey indhahana qarsaday markii dacwad oogayaashu ay ka sheekeynayeen dhaqankiisa.

Waxa uu ka cudur daartay, waxa uuna sheegay in uusan marnaba cafin doonin naftiisa, inkasta oo aanu si toos ah uga hadlin dhibanayaasha sida saddexdii sarkaal ee isaga ka horeeyay.

Kooxdan ayaa qiratay dambiyada xuquuqda madaniga ah ee federaalka bishii Agoosto.

Waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin shirqool ka dhan ah xuquuqda, carqaladaynta cadaalada, duudsiga xuquuqaha midabka sharciga ah, sii daynta hub hoostimaada dambiga gacan ka hadalka ah, iyo shirqool lagu carqaladaynayo cadaalada.

Taliyaha degmada Rankin Bryan Bailey, oo ay saraakiishu u shaqeynayeen, ayaa wajahaya dacwad ka duwan $400m (£314m) oo lagu eedeeyay inuu ku guul dareystay inuu si sax ah u tababaro saraakiisha.