Wasaaradda Macdanta oo Daahfurtay Kulanka Xog-keydiinta Liisamada Macdanta

0
105

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa daahfurtay Kulanka xog-kaydinta Liisamadda Macdanta.

Munaasibadii daahfurka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin xukuumadda ka socotay iyo Masuuliyiinta shirkaddaha ku howlan Macdan soo saarinta Dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta Somaliland Maxamed Cismaan, oo ka warbixiyey Xogta keydinta liisamadda shirkaddaha ku howlan Macdan soo saarinta wadanka, ayaa xusay inay doonayaan in xogtoodu noqoto mid dhowrsoon oo lagu kaydiyey Koombuyutarka, haddii loo baahdana dib u sixid lagu sameyn karo.

Agaasimayaasha guud ee komishanka Tamarta, xanaanadda Xoolaha, iyo arrimaha dibadda iyo Masuuliyiin ku hadlaayey afka shirkaddaha ku howlan Macdan soo saarista dalka, ayaa sheegay in nidaamkani yahay mid dalalka caalamka lagula jaanqaadaayo.

Wasir ku xigeenka wasaradda Macdanta iyo Tamarta Siciid Axmed jibriil ayaa faahfaahin ka bixiyey in nidaamkaas lagu sugayo xogta liisamadda uu abuuraayo daahfurnaan iyo in shaqada la fududeeyo, waxaanu xusey in dhalinyaro aqoon yahano reer Somaliland ahi nidamkaas xogta liisamadda hagayaan oo gacanta ku hayaan, kaas oo lagaga maarmay in aqoon yahano shisheeye ah dibadda laga keeno.

Gaba-gabadii wasiirka wasaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi, ayaa ku dheeraadey ahmmiyadda xog-keydintaas u yeelan doonto in la helo xog sugan oo meel loogu soo hagaago, wasirku waxa tilmaamay in wax badan nidaamkaas fududeyn doono.