Wasiirka waxbarashada oo Mooral-dhis ugu tagey hablaha ku jira Kuuliyadda tababarka Macalimiinta

0
102

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska JSL Dr Axmed Aadan Buuxane, mooral-dhis, ugu tagey hablaha ku jira Kuuliyada tababarka macalimiinta.

Kullankan mooral-dhiska ee wasiirku ugu tagey hablaha macalimiinta, waxa kasoo qayb galay guddoomiyaha Kuulliyada tababarka, guddoomiye ku xigeenka, macalimiinta iyo ardayda hablaha ah ee ku jira Kuulliyada, waxaanu wasiirku hablaha ka dhageystay warbixin salka ku haysa tababarka ay qaataan.

Wasiirka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay guul u tahay in 120 hablood ay si gaara ugu diyaariyaan macalimiin, rajo wayna ay ka qabaan mustaqbalka inay buuxiyaan baahidii macalimiinta hablaha ah ee dugsiyada dalka.

Dhankooda hablaha loo tababarayo macalimiinta ayaa wasiirka uga mahad celiyay is garab taaga uu u muujiyay mudadii koobnayd ee uu xilka hayay iyo sida joogtada ah ee uu uga warhayo una danaynayo waxbarashadooda, iyaguna ay ka midho dhalin doonaan hayaan kooda waxbarasho.

Waà markiinu horraysay ee wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku ay sikhaasa 120 hablo ugu qaadato in lagu tababaro Macalinimo, kuwaasi oo loogu talogalay barbaarinta iyo wax barista ardayda yar yar eek u jirta Dugsiyada hoose ee dalka, kadib markii ay wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku sameeyeen daraasad la xidhiidha barbaarinta ardayda Dugsiyada hoose ku jira yaa wax bari kara ama si fiican u barbarian kara ayaa waxa la isla qaatay inay Hablaha Macalimiintu u wanaagsan yihiin ardaydaasi.