Tababar loo soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Cashuuraha Bariga

0
117

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Mudane Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa tababar u soo xidhay saraakiil ka tirsan waaxda cashuuraha bariga, gaar ahaan shaqaalaha ka hawlgala ururinta cashuurta shaqaalaha.

Tababarkan oo socday muddo laba maalmooda ayaa ku saabsana cashuurta shaqaalaha, waxaana mudadii uu socday ka faa’ideystay hawl –waddeenadii loo qabtay tababarkani aqoon la xidhiidha nidaamka qaadista cashuuraha iyo xeerarka jideynta qaadisteeda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in la joogteeyo tababarada noocan oo kale ah, waxaanu intaas ku daray haddii tababarada noocan oo kale ah loo tagi karo dalka dibeddiisa in loo tagayo.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ay kawada shaqaynayaann sidii loo sugida tirade guud ee dadka loo shaqeeyaha iyo shaqeeyaha, waxaanu intaas ku daray in heshiiskasta oo wada galayaan shaqsi iyo shirkadii ay goob joog ka noqonayso wasaaradda maaliyaddu.