Acmaasha ugu Wanaagsan in la Qabto Bisha Ramadaan

0
62

Acmaasha wanaagsani oo kala duwan ayaa bisha Ramadaan ku jirta, qof kastaana wuxuu ku dedaalaa sidii uu bisha Ramadaan uga duwanaan lahayd bilaha kale, isaga oo badinaya salaadaha, quudinta masaakiinta, salaadda habeenkii, sadaqada, iyo acmaasha kale ilaa uu ka helo janno baaxadeedu leegtahay cirka iyo dhulka.

Hadaba Acmaasha wanaagsan ee bishan lagu dedaalayo maxay yihiin kuwooda ugu wanaagsani?:
1- Qur’aanka oo la akhriyo

Nebigu (scw) wuxuu yidhi: Soonka iyo Quraanku way u shafeeca qaadayaan addoonka maalinta qiyaame, soonku wuxuu odhanayaa: “Eebbow waxaan ka reebay cunto iyo rabitaankiisiiye aan u shafeeco qaado.” Quraankuna sidaas oo kale wuxuu odhanayaa: Waxaan ka reebay inuu seexdo habeenkiiye aan u shafeeco qaado. Kadibna waa laga ogolaanayaa.

Bisha Ramadaan waa bishii Qur’aanka kariimka ah, sidaa awgeed qofka addoonka ah ee muslimka ah waxa u haboon in uu si aad ah u akhriyaa. Jibriil(cs) wuxuu ahaa mid Ramdaan kasta Nebiga la akhriya qur’aanka, Cusmaan Binu Cafaan(rc) isna waxa uu ahaa mid qur’aanka maalintiiba hal mar dhameeya bisha. Dadkii saalaxa ahaa ee inaga horeeyey waxay ahaayeen kuwo daryeela kitaabka Alle, bisha Ramadaan saddexdii habeenba mar ayey dhamayn jireen, qaarna todobadiiba mar, qaarna tobankii maalmoodba mar, sidaa darteed waxay akhriyi jireen qur’aanka wakhtiyada salaada iyo wakhtiyada kalaba,

Haddaad akhrido Qur’aanka, ku dadaal. Sidii aad u khatimi lahayd, tusaale ahaan, shantii maalmoodba hal mar, ama saddexdii cishoba hal mar, waxaana fiican in qofku u sameeyo xaflad maalinle ah oo uu akhriyo cishaha ka dib dhowr Jus, Makhribka ka dib dhowr Jus, Casarkii iyo wixii la mid ah. Dhammaan dadkii wanaagsanaa waxay ahaayeen kuwo haday Ramadaan soo gasho ka taga la hadalka iyo la fadhiisigooda dadka waxaanay aqbali jiray akhrinta Qur’aanka.

  1. Salaadda habeenkii

Abuu Hureyrah waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi: “Qofka bisha Ramadaan Habeenkii istaaga, yacnii tukada Salaatul Laylka isaga oo ku Iimaan qaba kuna ajar dalbaya waa loo dhaafaa dembigiisii ​​hore. Waxaa wariyay Al-Bukhaari iyo Muslim.

Abuu Dar wuxuu wariyey in Nabigu (scw) uu yidhi: Haddii midkiin uu la bilaabo imaamka oo ku sugnaado ilaa uu ka dhameeyo, waxaa loo qoray inuu Qiyaamu layl dhanaystiran. Waxaa wariyey Al-Tirmidi waana xadiis saxeex ah.

  1. Ducada

Bishan waxa aad loo amaanay in ducada la badiyo, bisha oo dhan, gaar ahaan maalmaha danbe. Eebena Qur’aankiisa waxa uu sheegay in Addoomaha ducada laga aqbalayo haday kor u qaadan iyo haday hoos u dhigaanba,Ilaahayna uu u dhow yahay.

Ducaduna waa cibaado, waxayna ina tusaysaa in addoonkiisa Rabbigiis la’aantiis aanu waxba ahayn baahidiisa iyo xaajadiisa uu Ilaahay dabooli karo xaalad kasta.

  1. Ictikaaf

Ibnu Cumar Ilaahay haka raalli noqdee waxaa laga weriyey inuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu ahaa mid ictikaafa tobanka dambe ee Ramadaan. Waxaa wariyay Al-Bukhaari. Sidaas oo kale xadiiska ay Caasha(rc) werinayso Nebigu wuxuu ahaa Mid Acmaasha badaya marka la gaadho tobanka danbe waxay tidhi “Guntiga ayuu adkaysan jiray, Ehelkiisa waa toosan jiray”.

Ibnul Qayyim allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi – isaga oo sharxaya qaar ka mid ah axkaamta ictikaafka: ujeeddada ictikaafku waa in aad Ilaahay u gooni noqoto kaligiisa, oo ka tago ku mashquulida waxyaabaha kale adigaa oo Guriga Ilaahay ku jiraya.

  1. Sadaqada

Bisha Ramadaan in aan gacanta furo ayaa la doonayaa oo aan sadaqada bixino wixii aan heli karo. Soonka camal kasta waa la laban laabayaa. In aan ku dayano Nebiga ayaa la doonayaa. Ibnu Cabbaasna waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu ahaa dadka ugu deeqsi badan, bisha Ramadaan marka la gaadhna xagga deeqda Dabayl dhabanaysa wuu ka deg-deg badnaa xagga deeqda.

  1. In laga tago xanta iyo dembiga

Abuu Hureyrah Alle haka raalli noqdee, wuxuu yidhi: Rasuulku (scw) wuxuu yidhi:- Ruuxii aan ka tagin hadal been ah iyo ku-dhaqankiisa Eebbe xaajo kama laha qof iskaga tegay cuntadiisa iyo cabbitaankiisa, yacnii wuu iska af xidhan yahay. waxaa wariyey Bukhaari.

Soonku waa fursad uu qofku la doonayo inuu xubnahana ka soomo oo iska ilaaliyo denbiga, siiba Carabka iyo Isha. Qof Sooman wax laga doonayaa guryaha Ilaahay SWT laakiin ma aha inuu Fasahaad iyo waxyaabaha wakhtiga lagu lumiyo kuu ku jiro maalintii oo dhan.

  1. Quudi dadka baahan

Eebbe kor ahaaye wuxuu aad u amaanay kuwa dadka quudinaya ee u quudiya Jacaylka Eebe dartii, sida uu ku sheegay Suuratul Insaan.

Nebigu wuxuu ku yidhi: Xadiis “Qofkii Afuriya qof sooman waxa uu leeyahay ajar qofka uu afuriyey, iyada oo qofkii la afuriyeyna aan ajarkiisa aan waxba la dhimayn”. Waxaa wariyay Al-Tirmidhi, Albaanina waana saxeex.

Kuwii inaga horeeyey ee wanaagsanaa waxay ku dedaali jireen inay quudiyaan dadka, waxaanay ka hormarin jireen cibaadoooyin badan. Qaar ka mid ah kuwaa wanaagsan waxay yidhaahdeen: “In aan toban ka mid ah asxaabtayda u yeedho oo aan quudiyo, ayaa anaga nooga qaalisanaa in aan xoreeyo toban adoomo ah oo Awlaadii Nebi Ismaaciil ah”.

8- Xuska Ilaahay iyo dadka oo la cafiyo

Qofka muslimka ah waa in uu barto oo uu sameeyo waxa u fudud ee ah dikriga iyo ducada, ajarkiisuna bishani waa la badinayaa, rajada laga qabo in la aqbalana waa ka dhowdahay mararka kale, qofka muslimka ah waa in uu ku dedaalaa xuska Salaadda ka dib waa xalaal, xuska Adkaarta subaxii iyo galabtii, iyo sidoo kale wakhti kasta. Culimadu waxay yidhaahdaan qofka Daakirka ama xuska badani waa qofka xalaalad kasta oo uu ku jiro akhrista Adkaartii ku soo aroortay. haddaba qofka muslimka ahi ha ku dedaalo inta lagu jiro bisha.

Waxa la yidhi Qur’aanka dabadii hadalka ugu wanaagsan ee Ilaahay lagu xusaa waa afar.Subxaanallaah, Alxamdu lilaah, laa Ilaaha Ila laah, Allaahu Akbar. hadaynu Habeen tukanayno iyo haddayn hawl kale ku jirabacamal xuska iyo ammaanta Ilaahay waa in aan badinaa.

9- Xidhiidhinta Qaraabada

Bishan inta lagu jiro xidhiidhinta Qaraabada waa la amaanay. Abuu Hureyrah xadiis uu ka wariyey Nebiga waxa uu ku yidhi Qofka qaraabada xidhiidhiya Risiqiisa waa la badiyaa cimirigiisana waa la barakeeyaa. Xidhiidhka xigaalku waa mid ka mid ah akhlaaqda wanaagsan ee Islaamku boorinayo kana digay in la gooyo.

Eebbe kor ahaaye wuxuu addoomadiisa ugu baaqay inay xidhiidhka qaraabanimada ku adkaystaan ​​sagaal iyo toban aayadood oo ka mid ah kitaabkiisa kariimka ah, wuxuuna uga digay kuwa xidhiidhka qaraabada u gooya. Saddex Aayadood oo qur’aanka ka mid ah waxay ka digayaan naclad iyo ciqaab ku dhici doonta. Dadkii wanaagsanaa way ku adkaysan jireen ​​ilaalinta xidhiidhka qaraabada, iyada oo wakhtigaa isgaadhsiintu aad u adkayd. Wakhtigan casriga ah oo la heli karo gaadiid iyo isgadhrsiin kala duwan, haddana waxaa jira in ilaalinta xidhiidhka qaraabada uu aad u yaraaday.