35 Budhcad Soomaali ah oo la geeyey India si loo maxkamadeeyo

0
66

Hindiya ayaa sabtidii magaalada Mumbai keentay 35 eedaysane oo budhcad badeed Soomaali ah, ka dib markii lagu dul qabtay Markab ay afduubteen bishii December ee 2023. Markabkan oo xamuul ahaa laguna magacaabo MV Ruen waxa uu watay calanka Malta. Waxay ahayd markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2017-kii oo laga guuleystay ​​kooxaha budhcad badeeda Soomaalida.

Kumaandooska Hindiya ayaa fuulay oo la wareegay markabka March 17-keedii meel 260 nautical miles (480 kilomitir) u jirta xeebaha Soomaaliya.

Markanka Burburiyaha ee INS Kolkata , oo hogaamineysay howlgalka badbaadinta, ayaa yimid Mumbai subaxnimadii Sabtida isaga oo siday dhammaan 35 nin oo lagu eedeeyay afduubka, ayaa lagu ydhii bayaan ay soo saareen ciidamada badda.

Waxay intaas ku dartay in howlgalku “uu ilaalinayay mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta bad-qabka badda iyo amniga badda ee gobolka.”

Raggan ayaa la filayaa in loo wareejiyo xabsiga sabtida.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Vivek Madhwal ayaa sheegay in usbuucan ay tahay markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo ragga lagu qabto badda la keeni doono xeebaha Hindiya si ay u wajahaan maxkamadeynta budhcad badeednimada.

Sida uu dhigayo sharciga Hindiya ee ka dhanka ah budhcad badeeda, raggan ayaa wajahaya xukun dil ah haddii lagu helo fal dil ah ama isku day dil, iyo xabsi daa’im oo lagu xukumo budhcad badeednimo oo keliya.

Badbaadinta Sabtidii la soo dhaafay ayaa soo afjartay howlgal socday 40 saacadood.

Kumaandooska ayaa baarashuut kaga soo daatay diyaarad milateri oo C-17 ah ka dibna gaadhay markabka dushiisa waxayna keentay in dhammaan 35 budhcadbadeed ah oo la socday in ay isa soo dhiibaan, ayaa lagu yidhi bayaan hore oo ay soo saareen ciidamada badda.

Intii ay socotay waxa ay sii daayeen 17-shaqaale ah oo lagu magacaabo MV Ruen oo 9 ka mid ah ay u dhasheen Myanmar, 7 ka mid ah ay u dhasheen Bulgaria iyo mid ka soo jeeda Angola iyada oo midna aanu ku dhaawacmin.

Mulkiilaha markabka Bulgaria Navibulgar ayaa badbaadinta India ku tilmaamay “guul weyn”.

Budhcad badeeda Soomaalida ayaa hore u damcay in ay qabtaan  markab loo yaqaano Mother ship oo awood u leh in uu ku safro masaafo dheer si ay u beegsadaan maraakiibta waaweyn.

budhcadbadeedda Somalida ayaa weli haysta MV Abdullah  oo ay qabsadeen12-kii bishii Maarso.

Markabka MV Abdullah ee ka babanaya calanka Bangladesh ayaa tan iyo markii la soo geliyey biyaha Soomaaliya, iyada oo 23-shaqaale ah oo la socday ay weli gacanta ku hayaan.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa si isdaba joog ah uga howlgalayay xeebaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii, balse waxay sare u qaadeen dadaallada ka dhanka ah budhcad-badeedda sannadkii hore ka dib markii ay bateen weerarrada badda, oo ay ku jiraan badda Carabta iyo Xuutiyiinta Yemen oo ay Iiraan taageerto oo ka dagaallanta Badda Cas.