Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo Qalab Warbaahineed kala Wareegay Hay’adda Media Ink.

0
54

Hargeys( Dawan):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa qalab warbaahineed kala wareegay Hay’adda Media Ink oo loogu talo galay xarunta tababarada Suxufiyiinta  Somaliland oo la furi doono.

Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa waxa uu sheegay in loo aasaasayo xarunta tababarka Suxufiyiinta  Somaliland markii la arkay baahida ka jirta dalkeena ee xaga Saxaafada,Waxaana uu yidhi”U jeedada aanu u aasaasayno xarunta tababarka Suxufiyiinta  Somaliland,waxa weeye markii la arkay baahida ka jirta  dalkeena ee  Saxaafada  ee Jaamacadihii aanay ku dhiiranan in fakalkii saxaafada dardar galiyaan.waxa aanu jeclaanay in wax la baro dadka Saxaafada gacanta ku haya,in dhawayd waxa warbaahinteenu gacanta u gashay in qaranimada Somaliland burburiso.waxa ay kala garanwaayeen cida ay u shaqaynayaan,waxa laga dhaadhiciyay in yihiin wariyaal  Soomaaliyeed Ninka Somaliland joogaa waa Suxufi reer Somaliland.waxaana keenay aqoontooda Saxaafadeed oo aan dhisnan,”.

Agaasimaha Hay,adda Media Ink
Cabdiqaadir Axmed Cabdi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in aanay ahayn markii ugu horaysay qalab soo gaadhsiiyaan Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta.

Sidoo kale Cabdilaahi Cumar Wayab oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa  uu soo dhaweeyay in la furo xarunta tababarka Suxufiyiinta  Somaliland,isla,markaana ay tahay mid la furo oo muddo dheer loo baahnaa.