Koonfur Afrika hubku wuxuu noqday lagama maarmaan”. Warbixin.

0
61

Lixdii sano ee ugu dambeysay Penson Mlotshwa waxa uu sitay qori meel kasta oo uu tago magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Dukaamada, makhaayadaha iyo xitaa goobta jimicsiga.

Qorigiisu waxa uu noqday lagama maarmaan iyada oo waddanku la halgamayo heerarka dilka iyo dembiyada.

“Anigu ma ihi faaliyaha – ma garanayo goorta la i soo weerari doono,” ayuu Mlotshwa u sheegay BBC isaga oo leh bar Youtube  ah oo wax baahisa.

“Waxaan marmar dhowr ah ku qasbanaaday in aan isticmaalo qorigayga si aan naftayda u difaaco,” wuxuu sharaxay hal habeen isaga oo cashaynaya inuu nin mindi ku soo weeraray isaga oo doonaya inuu ka qaado shandadiisa ama boorsadii jeebka.

Qorigii  narkuu la soo baxay wuxuu ku khasbay inuu mindida tuuro, markii uu tuuray wuu cararay qorigiina kumuu ridin.

Mr Mlotshwa waxa uu sheegay in qoryihiisa – aanu shaacin doonin inta uu haysto  oo ay tahay arrin isaga u gaar, hubka wadanka inta uu qof kastaa haystaana waa shaqo uu dareemayo in bilayska iyo dawladduba ay si xun ugu guul-darreysteen.

Lynette Oxley oo degan magaalada Johannesburg ayaa ogolaatay oo sheegtay in khataraha noocaas ah ay tahay in si toos ah loo waajaho.

Waxay samaysay hindise ay ku tababarayso haweenka si ay naftooda ugu difaacaan lahaanshaha hubka.

“Waxaan ka door bidi lahaa inaan iibsado qori cusub, intii aan kabo kabo iibsan lahaa,” 57-jirkan Johannesburg deggan, oo leh 12 qori ayaa u sheegay BBC-da.

Ururkeeda oo lagu magacaabo Girls on fire ama Gabdhaha hubaysan, inta badan waxa ay caawisaa haweenka la kufsaday, la weeraray, la dhacay, ama la kulmay heerka xad-gudub. Heerka xadgudubka galmada ee waddanku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sarreeya adduunka.

Hal qof oo dumar ah ayaa ku biirtay oo aad loo dhibay, markii hore ninkeedii ayaa lagu toogtay horteeda, markaasay oo ay uur lahayd, mar kalena iyada iyo ilmeheedii oo lix jir ah ayey tuugo guriga ugu timi.

“Dadku waxay garwaaqsan yihiin inaan keli nahay, waan haysanaa hubkeena” ayay tidhi Ms Oxley, oo qoriga barta dadka. “Dhaqanka hubka ee Koonfur Afrika wuxuu ku saabsan yahay is-difaac, waana lama huraan.”

Sharciga Koonfur Afrika ayaa dhigaya in dadka ugu badan ee haysta shatiga hubka ay qaadan karaan hub isaga oo qarsoon.

Waxaa jira in ka badan 2.7 milyan oo ah mulkiilayaasha haysta sharciga lahaanshaha qoriga Koonfur Afrika, sidaana waxa lagu sheegay sahan ay samaysay Gun Free South Africa (GFSA) sanadkii  2021, tiradaa  qiyaastii 8% ayey dadka waa weyni ka yihiin. Inta waxa dheer ilaa 2.35 milyan oo iyaguna ah hubka suuqa oo aan sharci haysan, sida ay sheegtay GFSA.

Marka ay timaado dagaalka ka dhanka ah dambiyada, booliiska Koonfur Afrika waxa ay u muuqdaan in laga badiyay. Heerka dilka ee dalka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey 20-sano, waxaana hubku noqday arrin lagu qasban yahay.

Adele Kirsten, oo ah agaasimaha GFSA, ayaa BBC u sheegay in dambiyada aanay ku sii badaneynin Koonfur Afrika oo kaliya, balse “dabeecada rabshadaha hubka” ay isbedelayaan.

“Toogashada wadareed iyo dilalka qorshaysan waxay Koonfur Afrika ka noqonayaan arrin muuqda”, ayay tidhi Adele.

Sannadkii hore dalka ayaa ruxay markii 10 qof oo isku qoys ah lagu toogtay weerar lagu qaaday guri ay degganaayeen oo u dhow magaalada Pietermaritzburg. Qofka ugu yarna  wuxuu jiray 13 sano oo keliya.

In badan oo ka mid ah dambiyadan waxaa lagu fuliyaa hub sharci-darro ah waayo hubka suuqa ayaa badan, ayey sheegtay GFSA.

Mid ka mid ah meelaha laga helo qoryaha sharci darrada ah waa hay’addii loogu talagalay in ay ilaaliyaan rayidka , waa Booliiska.

Tan waxaa markhaati looga dhigay kiiskii foosha xumaa ee sarkaalkii hore ee booliiska Christiaan Prinsloo. Ninkaasi waxa uu iibiyey 2,000 oo qori intii u dhaxaysay  2007 iyo 2015, wuxuu ka iibiyay kooxo burcad ah. Hubkaa ka soo baxay gacanta ninkaa waxa  la rumaysan yahay in lagu fuliyey in ka badan 1,000 dil oo dad waaweyn iyo dhimashada 89 caruur ah.

“Waxaa jirta kalsooni darro weyn oo u dhaxaysa dadka iyo booliiska,” ayay tidhi Ms Kirsten.

Kalsooni daradaas ayaa keentay in dad aad uga badan oo aan hore u dhicin ay ammaankooda gacmahooda ku qaataan.

Koonfur Afrika si uu qofku u qaato shatiga hubka waxa uu u baahan yahay in uu ka weynaado da’da 21, in uu maro tababaro badan, in uu sameeyo baadhitaano badan oo xagga jidhka ah iyo in uu muujiyo caddaynta kartida maskaxeed. Waa geeddi-socod dheer oo degan, iyada oo taasi jirto, tobankii sano ee la soo dhaafay tirada qaatay codsiyada shatiga hubka ayaa afar jibaarmay, sida lagu sheegay baadhitaan ay sameysay shabakadda wararka ee South Africa News24 .

Gideon Joubert, oo ah lataliyaha hubka, ayaa sheegaysa xidhiidhka dadka Koonfur iyo qoriga oo ay ku sheegtay inuu yahay mid adag oo dhinacyo badan leh.

Dhaqanka qoriga waxaa saameyn ku leh taariikhda colaadeed ee dalka, oo ku hoos jirtay xukunkii caddaanka tirada yar ilaa 1994. Dadka madow si sharci ah uma heli karin qoryaha ilaa 1983.

Gumaystayaashii reer Yurub waxay dalka keeneen qoryo horraantii 1600aadkii. Afrikaners, faracyada cadaanka ah ee deganayaasha Nederland, waxay qaateen aqoonsi u gaar ah oo qori lahaanshaha, kaas oo ilaa maanta jira.

Sanadihii 1980-meeyadii, Midowga Soofiyeeti waxay kumanaan qoriga AK-47 ah u soo direen kooxihii ka soo horjeeday midab-takoorka, waxayna noqotay astaanta xornimada.

Lahaanshaha sharciga ah ayaa kor u kacday 40% intii u dhaxaysay 1986 iyo 1996 wakhtigaas oo xasilooni darro iyo hubanti la’aani ka jirtay dalka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay GFSA .

Inta badan tan waxaa waday cabsida ay ka qabaan dadka tirada yar ee cadaanka ah oo aad u baqay markii uu Nelson Mandela(ANC) uu xukunka la wareego, GFSA ayaa tidhi.

Xisbiga ANC ayaa hadda talada haya muddo 30 sano ah – waxaana doorashada dhici doonta bisha May laga yaabaa in ay lumiyaan aqlabiyadda rasmiga ah ee baarlamaanka markii ugu horreysay tan iyo markii uu dhammaaday midab-takoorka.

Dadku waxay mar kale gaadhaan hub, laakiin wejigii dhaqanka qoriga ayaa xoogaa isbedelay.

Mr Mlotshwa waxa uu leeyahay in aad qori ku haysto Koonfur Afrika waa wax aan cidana kaa hortaagnayn. Waxa uu si kalgacal leh u sitaa hubkiisa, waxaana hubku u jiraa ilaalinta qoyskiisa iyo hantidiisa.