Ciidanka Booliiska Somaliland oo soo qabtay dirawal jiidhay wiil 9 jir ah oo baxsaday

0
73

Berbera (Dawan):-Ciidanka   Booliiska ee gobolka Saaxil,  ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedaysan in uu baabuur jiidhsiiyay wiil yar oo 9 jir ah habeen hore 11: 20 PM.

Kadib baadhis baabuur badan loo xidh xidhay oo socotay muddo 24 saacadoo ah, Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil ayaa eedaysane Maxamed Farxaan Jaamac kasoo qabtay magaalada Burco oo uu u baxsaday.

Waxaana warbaahinta uga warbixiyay soo qabashada eedeysanahay sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgelyada wadooyinka Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Howlgal iyo baadhitaan dheer kadib ciidanka booliisku waxay soo qabteen eedaysanihii falka galay iyo ciddii la socotay, waxa halkan ku xidhnaa baabuur badan oo noocii jiidhay ah, oo uu kamidyahay gaadhigii shilka lagu galay”

Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case) ayaa boggaadiyay ciidamada booliiska ee gobolka Saaxil isaga oo sheegay in ay sameeyeen dadaal geesinimo leh, isla markaana ay soo qabteen eedaysanihii falka gaystay.

Waxaanu yidhi.“Waala haya eedaysanihii iyo ciddii kale ee gacanta siinaysayba, ciidamada boolisku jaadkasta oo ay yihiin waan u mahadnaqayaa, haddii la odhan jiray dowladdii indho qudhaanjo ayay leedahay in ciidanka booliska ee gobolka Saaxil leeyahay indha qudhaanjo, sida eedaysanahan loo soo qabtay in loo soo qaban doono ka imika aynu laanahay”

Ciidamada booliiska ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 300 oo baabuur oo nooca One Tenka loo yaqaano ah, intii ay socotay baadhistu, baabuurtaas oo markii danbe laga dhex helay gaadhigii falka lagu gaystay.