Wasiirka Beeraha oo Ganacsatada Somaliland Farriin u Diray

0
103

Berbera (Dawan):-Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil mudane Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wasiirka iyo waftigiisa ayaa sheegay in beeraleyda gobolka Saaxil ay diyaar u yihiin inay wax beertaan, isla markaana ay u baahan yihiin cid ka caawisa wixii baahidooda ah.

Wasiirka wasaaraddda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane, ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay salka ku hayso inay soo eegaan isla markaana qiimeeyaan saameynta Ayaxu ku yeeshay  qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Saaxil, waxaanu intaas raaciyay in uu hay’adda World Vision uga mahadcelinayo sida ay markasta ula shaqayso, waxaanu ganacsatada dalka ka codsaday inay beeraleyda dalka gacan siiyaan oo ay dhiirigeliyaan.

Geesta kale wasiirku waxa uu xusay in qorshahoodu yahay dhiirigelinta beeraleyda dalka JSL, meelkastoy joogaan, maadamabu yidhi lagu gudda jiro wakhtigii wax beerashada iyo wax soo saarka, waxaanu beeraleyda faray inay xoogooda aaminaan oo murugooda ka faa’ideystaan, waxa uu intaas raaciyay in ay markasta ka wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii beeraleyda dalka loo dhiirigelinlahaa, waxna ay ugu qaban lahaayeen, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay ka taageerayaan xagga aqoonta, cilmiga iyo cududaba.

Gaba-gabadii waxa uu beeraleyda dalka Somaliland ugu baaqay in aanay beeraley dal kale la hayste u noqon, waxaanu tilmaamay in ay mihiim tahay in la mideeyo caqliga, cilmiga iyo cududaba, beerahana lagu horumariyo,