Wanaagga Malayso, Malahana Hagaaji!

0
87

Waxa habeenimo gudcur ah is raacay sadex waxa ay ku soo bexeen nin meel wadada ka baydhsan laakiin u dhow qodaya , markaasi ayuu midkood yidhi :โ€ Waxa laga yaaba in ninkaasi uu qof dilay oo uu halkaasi ku aasayo habeenkaasi madow. Ninka labaad ayaa isaguna yidhi : โ€œ Maya maaha sidaasi waxa laga yaabaa inuu yahay qof aan dadka aaminin oo lacagtiisa ayuu halkaasi ku aasanayaโ€.

 

Kii sadexaad ayaa isaguna raaciyay weedhahan :โ€ Maya maaha sidaa aad labadiinuba u malayseen, muuqaalkiisu waa ninkaasi weyn ee sharaftu ka muuqato waxa laga yaabaa inuu doonayo inuu ceel biyood uga qodo bulshadaโ€.

Haddaba xikmadu waxa weeyi qof kasta waxa uu yahay ee uu ku fikirayo ayuu u malaynayaa inay dadku wada yihiin, kan wanaagsani wanaag ayuu ka malaystaa, kan xumina dhinaca xumaanta. ย Weel kastana waxa ku jira ayaa ka soo baxa.ย  Haddaba wanaaji malaha aad dadka ka qabto, sida aad u jeceshahay inay wanaaag kaa malasyteen.