Agab Caafimaad oo lagu Wareejiyay Cisbitaalka Degaanka Baargo ee Gobolka Hawd

0
64

Baargo (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa agab cafimaad ku wareejisay maamulka cisbitaalka degaanka Baargo ee gobolka Hawd.

Daawoyinkaan iyo qalabka cafimaad oo looga talagalay in wax looga qabto baahiyaha cafimaad ee ka jiro degaanka Baargo ayaa la gaadhsiiyay.

Maxamed Weheliye Cabdi agaasimaha gurmadka deg dega ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in xarunta caafimaadka ee degaanka Baargo ay gaadhsiiyeen agab caafimaad oo ay ugu tallo galeen in  lagula tacaalo xannuunka Shuban-biyoodka, waxaanu siweyn ugu mahadnaqay hawlwadeenada degaanka Baargo sida hagar la’aanta ah ee ay bulshada ugu adeegayaan, waxa uu intaas ku daray in dad uu soo ritay xannuunka Shuban-biyoodka oo ka dilaacay degaankaasi xaruntaasi lagu dabiibayo.

Isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Hawd Axmed Cali, ayaa boggaadiyay agabka iyo daawada lagu wareejiyay xarunta caafimaadka ee degaanka Baargo, waxaanu shaqaalaha xaruntaas faray in ay heegan ahaadaan, waxa uu intaas ku daray in aan qofna fasax ahayn ilaa xaalada xannuunka Shuban biyoodka ee kiskiisi u horeeyay lagu arkay degaankaasi ay dhan u dhacayso.