Waxa Guul Sheegan kara Ninkay u Gartaan Shacabku.”Samaale

0
75

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in doorashooyinka fooda innagu soo haya ay guulaysan doonto cida shacabka u codeeyaan.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu intaasi ku daray  in Xisbiga Kulmiye
ku olalaynayo shacabka oo gacmaha ishaysta oo Mucaarad ku soo ahaa  oo uu xisbi Xaakim ku noqday oo uu dalka ku hogaaminayo.
Cabdicasiis  Samaale oo Arimaahasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Tartanka cida shacabka codka siiyaan ayaan guulaysata,marka aad tidhaahdo gar iyo gardaba aniga ayaa guulaysanaya lagama badin karo waa inta kursiga kaa  fogaynaysa,waxa guul sheegan kara ninkay u gartaan shacabku,Kulmiye waligii kalmad xun kumuu olalayn waxa uu ku olaleeyay wanaag iyo dadka oo gacmaha ishaysta.taas ayuu Mucaarad ku ahaa oo uu dalka ku hogaamiyay oo uu Xisbi xaakim ku noqday.taas ayuu Madaxweynihii koowaad ee Xisbiga Kulmiye ka soo baxay Axmed Maxamed Maxamuuf Siilaanyo ku soo hogaamiyay oo Maanta uu ku hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.taas ayuu ku hogaamin doonaa Madaxweynaha mar kale la dooran doono Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne kasta oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxa,waa marka shacabka codka siiyaan marna odhan maayo Xisbiga Kulmiye hadii lana dooran waayo  dalku wuu dumayaa hadii lana dooran waayo dalku wuu kala tagayaa oo waa markayagii ee wuxuu leeyahay qofkii la doortaaba waa reer Somaliland,”.