Citizen TV oo soo Bandhigay Warbixin Majeeratay Nabadgelyada Somaliland iyo Nolosha Kiiniyaanka ka Shaqeysta Dalka

0
65

Hargeysa(Dawan)-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa soo dhaweysay warbixin togan oo uu Somaliland ka baahiyay Telefishanka Citizen Tv Kenya oo ka warramay nolosha Kiiniyaanka ka shaqeysta Somaliland.

 

Wasiir Rooda Jaamac Cilmi waxa ay qoraal ay ku daabacday barteeda X (twitter) ay ku sheegtay in warbixinta Telefishankaasi ay sawir togan ka bixinayso ammaanka iyo Dawladnimada Somaliland.

 

Waxase ay tilmaantay inay saxayso tirada dadka Somaliland oo Telefishankaasi ku qadaray 5 Milyan, hase ahaatee tiradaasi ay sax ku tahay 6.7 Milyan oo qof.

 

Sidoo kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibaddu waxa ay caddaysay in tirada dadka Kiiniyaanka ah ee ku shaqeysta Somaliland ay yihiin 12 kun oo qof, halka Telefishanka Citizen TV uu ku sheegay warbixintiisa inay tiradoodu gaadhayso 8 kun oo qof.

 

Wasiir kuxigeenku waxa ay intaas ku dartay inay xukuumaddu soo dhaweynayso muwaadiniinta reer Kiiniya ee Somaliland u noqotay gurigooda labaad isla markaana kaga dhex shaqeysta xirfadooda iyo farsamadooda. Taas oo adkayn doonta isfahamka labada shacab iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya.

 

Telefishanka Citizen TV Kenya, ayaa soo bandhigay Kiiniyaanka ku nool Somaliland oo intooda badani ka shaqeystaan dhismaha,goobaha waxbarashada iyo cisbitaallada magaalooyinka Somaliland.

 

Qaar ka mid ah Kenyanka ka xoogsada dalka ayaa ku sifeeyay Somaliland waddan xasiloon oo dawladnimo shaqeynaysaa ka jirto.

 

Waxa ay ka marag kaceen in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay  Somalia, oo ay ku naalloonayaan inay nabadqab iyo xasilooni kaga shaqeystaan Somaliland.

 

Mid ka mid ah haweenka Kenyanka ah ayaa sheegtay markii ay ka imanaysay Nairobi ee ay shaqada ka heshay Hargeysa in hooyadeed u werwertay oo ay u baqanaysay amniga inanteeda, hase ahaatee ay imika yaqiinsatay in Somaliland tahay dal nabadgelyadeedu cago adag ku taagan tahay oo ay ku qabto kalsooni buuxda.

 

Waxa ay bayaamiyeen in Somaliland xaga furfurnaanshaha iyo maamulka dawladnimo iska shabahaan Kenya.