“Xasan Sheekh wuxuu Maalmihii u Dambeeyay lahaa Itoobiya ha Qaadato Saldhig iyo Deked bilaash ah oo ha ka Timaado Somaliland

0
59

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in geeska Afrika oo dhammi u tartamayo suuqa Itoobiya oo ah 120 Milyan oo aan lahayn marso ay wax kala soo degaan.

 

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay afur iyo casho wadareedkii u horreeyay ee 33kii sannadood ee Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay ay ku kulmaan masuuliyiinta Warfaafinta iyo shaqaale weynaha wasaaraddaasi.

 

Wasiirku wuxuu ka hadlay hirdanka dalalka Geeska Afrika ee ku wajahan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqa xaamiga ah ee Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn (land locked country).

 

“Duniddu tartan ayey ku jirtaa, oo ganacsiga ayaa tartan ku jira. Qof waliba inuu dadkiisa  shaqooyin u abuuro ayuu doonayaa. Innagu (Somaliland) waxaynu is afgarad la soo saxeexanay Itoobiya oo juquraafi ahaan aynu aad iskaga dhow nahay Soomaalida kale. Waxa aynu magaalo madaxda gobolka Soomaalida ay xadka Somaliland u jirtaa 50km, markaa waxa iskaga keen xidhan soohdimihii nolosha,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

 

Isagoo ka hadlayey tartanka dekaduhu ugu jiraan Itoobiya wuxuu yidhi; “Itoobiya waa 120 milyan oo qof oo aan bad lahayn. Geeska Afrika oo dhammi waxay u ordayaan inay helaan suuqaas ballaadhan ee Itoobiya. Dekedda Boosaaso iyo Garacad way ku jiraan tartankaas. Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu lahaa maalmihii u dambeeyay ‘Itoobiya ha qaadato saldhig iyo deked bilaash ah ee ka kaalaya Somaliland’ Farmaajo isna hore wuxuu u yidhi waxaannu Itoobiya siinay afar dekedood.

 

Suuqaas ayaa la isku haystaa ee waxa dalkaaga u soo kordhaya yaan lagaaga dhigin in baddii la iibinayo. Cid waliba iyadoo u dhukusaysa Itoobiya yaan laguu afmiishaareyn.”

 

Geesta kale Wasiirku wuxuu bogaadiyay hawlwadeennada wasaaradda ee soo qaban qaabiyay madal bilicsan oo madaxda wasaaradda iyo shaqaaluhu ku wada afureen.

 

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in bahda Saxaafadda Somaliland inta ugu badani ay boqolkiiba toddobaatan ka hawlgalaan Wasaaradda Warfaafinta. Waxaanu ugu baaqay inay culayska saaraan waddaniyada iyo mudeynta bulshada Somaliland.

 

Wasiir Cali waxa kaloo uu ku booriyay hawlwadeennada bahda warfaafinta inay Somaliland ka difaacaan canaasiirta dibadda ka soo hujuumaysa.