15 jir Muslimka ah oo indha dunida soo jiitey ka dib markii uu tallaabo geesinimo leh qaaday?

0
100

Wiil 15 sano jir ah oo u dhashay dalka Krgystan ee ku yaal badhtamaha Asia, laguna magacaabo Islama Khalilov ayaa loo aqoonsaday halyey, ka dib markii uu dad ka badan 100 qof ka bedbaadiyey weerarkii argagixiso ee todobaadkii hore lagu qaaday meel filimada laga fiirsado oo ku taal magaalada Moosko.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo bandhigtay Islam oo dadweyne argagaxsan ku hagaya albaab dambe oo uu u furay, ka dib markii koox dabley ah ay xoog ku galeen masraxa Crocus City ee caasimadda Ruushka, halkaas oo uu si ku meel gaadh ah uga ahaa ilaaliye.

Tallaabada geesinimada leh ee wiilkan qaaday, ayaa soo jiitey dareenka dadweynaha Ruushka iyo warbaahinta caalamka, waxaana durba loo aqoonsaday halyey qaran, maadaama uu sabab u noqday in boqollaal qof ka baxsadaan koox hubeysan oo si arxan darro ah u gumaaday144 ruux.

Wiilkan Muslimka ah ayaa mar la weydiiyey sababta uu ugu dhiirradey in uu dadweynaha samata bixiyo halkii uu ka carari lahaa wuxuu sheegay in diintiisu fareyso in uu dadka dhiban u asxaan falo, taas oo wax weyn ka bedeshey aragtidii laga haystey Muslimiinta oo laga aaminsanaa argagixisonimo.

Islam Khalilov ayaa dadaalkisa nafhurnimada leh wuxuu ku muteystey billad geesi iyo lacag uu ka helay Muftiga Ruushka Ravil Gaynutdin, iyo dowladda dalkaas.

Sidoo kale naadiga SCK Moscow ee uu taageero ayaa garoonka ku casuumay, halkaas oo uu kula kulmay ciyaartoyda kooxda. Intaas kuma ekee waxaa wiilka la guddoonsiiyey tiket uu ciyaaraha kooxdu ku dheeleyso gurigeeda uu sannadkoo dhan lacag laโ€™aan ku daawan karo.

ย