Gudoomiyaha gobolka Maryland ayaa ugu baaqay Congress-ka in ay meel mariyaan maalgelinta dib u dhiska Biriishka dumay

0
63

Iyada oo ay socdaan dadaallo lagu nadiifinayo kumanaan tan oo bir ah oo ka soo baxay buundada burburtay ee dekedda Baltimore, guddoomiyaha gobolka Maryland Wes Moore ayaa Axaddii ku boorriyay xubnaha baarlamaanka ee jamhuuriyiinta inay la shaqeeyaan Dimuqraadiyiinta si ay u ansixiyaan maalgelinta federaalka ee looga baahan yahay dib u dhiska buundada iyo in dhaqaalaha dekedda si dib loogu soo celiyo biriiska burburay.

Buundada Baltimore ee Francis Scott Key ayaa duntay subaxnimadii hore ee Salaasadii hore, halkaas oo ay ku dhinteen lix ka mid ah shaqaalaha waddooyinka, ka dib markii markab konteenaro sidaa uu ku dhacay tiirkii Biriishka.  Buundada ama Biriishka ayaa xanibay gaadiidkii badda iyo sidoo kale isu socodkii oo hakaday.

Maamulka Biden ayaa sii daayay 60 milyan oo doolar oo gargaar degdeg ah Khamiista si ay gacan uga geystaan ​​nadiifinta burburka buundada iyo dib u furista dekedda, taas oo ah tan ugu weyn Maraykanka eesoo dejinta iyo dhoofinta arrimaha beeraha iyo dhismaha qalabka. Dekadda ayaa xidhan tan iyo Salaasadii, taas oo keentay in ay mugdi gasho shaqada ilaa 15,000 oo qof oo ku tiirsan howl maalmeedkeeda.

Saraakiisha federaalku waxay u sheegeen sharci-dajiyayaasha Maryland kharashka kama dambaysta ah ee dib u dhiska buundada uu kor ugu kici karo ugu yaraan $2 bilyan, Roll Call ayaa werisay, isaga oo soo xiganaya ilo aqoon u leh Doodaha
.

Madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ballan qaaday in dowladda federaalku ay bixin doonto kharashka, laakiin taasi waxay ku xidhnaan doontaa in la ansixiyo sharciga oggolaanaya dhaqaalaha labada Aqalka Wakiilada ee Jamhuuriga iyo Senetka uu hoggaamiyo Dimuqraadiga ayaa kala qaybsan marar badan waxay ku loolamaan  arrimaha dhaqaalaha ee ku salaysan yihiin maalgelinta, iyada oo jamhuuriyada mayalka adagi ay inta badan isku dhacaan xataa xubnaha xisbigoodu

Moore, oo dimuqraadi ah, ayaa sheegay in Jamhuuriyadu ay diyaar u yihiin inay ansixiyaan maalgelinta aawadood ma aha magaalada Baltimore oo keliya, laakiin dhaqaalaha qaranka.

Moore ayaa u sheegay CNN Axadii. “Waxaan u baahannahay inaan hubinno inaan dhab ahaantii si dhaqso ah u soconno si dhaqaalaha Maraykanka uu mar kale u socdo, sababta oo ah Dekedda Baltimore waxay muhiim u tahay kobaca dhaqaale ee weyn.”

Xoghayaha Gaadiidka Pete Buttigieg ayaa rajo ka muujiyay Axadda in Koongarasku uu ansixin doono lacagaha lagama maarmaanka u ah nadiifinta iyo dib u dhiska, isaga oo xusay in hay’adda sharci-dejinta ee kala qaybsan ay dhaaftay xidhmada kaabayaasha $ 1 tiriliyan ee Biden sanadka 2021.

Sabtidii la soo dhaafay ayuu Markab weyn oo qaada Kontaynarada uu jiidhay Buundada.