Caalamka Iyo Dalalka Niyadjabsan!

0
47

Werwerka iyo niyad jabku waa xalaad nafsaani oo u baahan in qofka aad loola socdo loona ilaaliyo. Debcan dalka kasta way jiraan dad qani ah iyo kuwo niyad jabsan oo dareemaya werwer joogto ah.ย  Laakiin mar kasta dunidu isku mid aha waxa jira dalal aad ugu horeeya niyada jabka tiro ka badan tan caadiga ah. Waxaana arimhaasi qayb weyn ka qaata dhaqaalaha.

Xaruntaย  Wadanka Maraykanka ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada, waaxda tirkoobka dadka ayaa cadaysay in dalka Maraykanka 9.6% ,ย  uu asiibay xanuunka werwerka iyo niyad jabku.

Inkasta oo Maraykanku si tartiib ah uga soo kabtay mushkuladii dhaqaale ee sanadkii 2008, haddanaย  koritaanka dhaqaale weli waxa jira isbedelo aan wanaagsanayn iyo weliba shaqo laโ€™aanta oo badan.

Muwaadiniin badan ayaa kuย  gacan saydhay shaqooyinka ay heleen iyagoo sheegay in aanay daboolayn baahidooda. Waxayna si cad u muujiyeen inay ku sii jiri doonaan xaladda cabsida leh. Maraykanku waa dalka dunida ugu horeeya ee dhinaca werwerka iyo niyada jabka bulshadiisa ay haysato.

Dalka Ukrain ayaa isna ah dalka labaad ee dunida dadkiisa werwerka iyo niyad jabku hayo iyado 9.1% ay dadkiisu ku jiraan xaaldaasi. ย Mushkilada dalkan haysta ayaa ka dhalatay xaaladda dagaalka Ruushka iyo reer galbeedka oo ay iskuย  haystaan dalkan. Waxa kale culimada cilmi nafisgu sheegeen in dhibtaada iyo werwerka joogtada ay u weheliso mushkiladii qaraxii Tarshibol ee sanadkii 1986 ee xaruntii Qubula duriyaha ee qarxaday taasi oo saamayn iyana ku yeelatay nolosha bulshada. Waxayna qireen inay tahay sababta koowaad ee dadka Ukrain niyad xumaanta ku abuurtay.