Faylsuufka iyo Dhaqamadiisa Waalida Ah!

0
51

Sanadkii 1980 maalin Axad ah ayuu Faylasuufkii shuuciga ahaa caankana ka noqday Faransiska Mr.Luis Althusser garaacay albaabkii qoyskii Jaarkiisa ahaa oo uu degenaa Dhakhtar ka sheqeeya Mac-hadka tababarka macalimiinta ee caasimada Praise isagoo ku qaylinayay โ€œ Waxaan dilay gabadhaydiiโ€ . Dhakhtarku ma rumaysan odhaahdiisa. Laakiin qayladii waalida ahayd ayay dad badani ku soo xoomeen.

Markii arinkii run noqday ayay xataa xidhi waayeen saldhigii uu tegay ee uu sheegay inuu gabadhiisa dilay sababtuna waa isagoo aha qof caan ah oo mufakir weyn loo yaqaanay ilaa iyo amar madaxtooyada laga soo siiyay.

Ninkan faylsafuuka ah markii la weydiiay maxaad gabadhaada u dishay wuxu yidhi โ€œ Waxay isoo gashay iyadoo farxsan ,ka dib waxaan ku qabtay xuurto wayna dhimatay, waxaan doonayay kolayba way dhiman lahayd inay dunida ka tagto iyadoo faraxsan โ€œ . Madaxweynaha Faransiiska aya mar danbe saamaxay iyado loo cuskaday dhinaca maskaxda

Luis faylasuufย  macalin ah oo jaamcadda casharo ka bixiya waxa kale oo uu ahaa mufakirka xisbiga shuuciga ee Faransiiska, gabadhiisa uu dilay oo lagu magcaabi jiray Helenย  ayaa iyana ahayd macalimad jaamcadda wax ka dhigi jirtay, kana tirsanayd xisbiga shuuciga ee Faransiiska. Inkastoo la sheegay inuu mufakir laga danbeeyo odhaahdiisa haddana wuxu ka mid noqday boqolaalka faylasuuf ee u dhexeeyay waalida iyo miyir qabka. Luis wuxu dhintay sandakii October 22, sanadkii 1990 October, ka dib markii wadnuhu si kedis ah isu taagay.