Dawladda Hoose ee Hargaysa oo Uga Digtay Bulshada Khatarta Daadadka Xiliga Roobka

0
48

Hargaysa (Dawan) Dawladda hoose ee Caasimadda Hargaysa ayaa bulshada uga digtay marista dooxa Hargaysa xiliga uu roobku da’ayo, waxaanay shacabka ugu baaqday inay ka noqdaan marka ay arkaan dooxa oo soo rognaday ama uu daadku qulqulayo.

Sidoo kale masuuliyiinta dalwadda hoose ee Hargaysa ayaa fariin u diray wadayaasha gaadiidka oo ay ugu baaqeen in aanay naftooda iyo nafaha dadka ay sidaan aanay halaagin oo ay ka joogsadaan dooxu wakhtiga uu soconayo.

War qoraa ah oo ay soo saartay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa ayaa sidan lagu sheegay fariina loogu diray bulshada Caasimadda waxaanu u dhignaa sida tan:-

“Fadlan muwaadin waxa bilaabmay xili Roobaadkii, waxaana markasta biyo baaxad lihi maraan Dooxa Hargaysa, marka aad aragto dooxa oo socda fadlan ka noqo si aanay naftaadu halis u galin.

Masuuliyad darro ka wayni ma jirto, in aad isku qaado Biyo kaa awood badan oo halis iyo waxyeelaba ay kaaga imaan karaan. Darawal naftaada ilaali, sidoo kale waxa ay masuuliyadi kaa saarantahay nafaha dadka aad gaadhiga ku waddo”.