Wasiiro Kormeeray Goobta loo Diyaariyay in laga Qodo Dhaam biyoodka Degaanka Dacar-budhuq

0
54

Dacar-budhuq (Dawan) Wasiiradda wasaaraddaha biyaha iyo shaqada iyo arrimaha bulshada  Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Mudane  Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor)  iyo   Marwo Faadumo Siciid iyo Agaasimaha Waaxda biyaha oogada sarre Cabdiraxmaan Baashe,   ayaa ku tagey kormeer ay ugu kuurgalayaan dhaam biyood wasaaraddu ka bilaabayso degaanka Dacar-budhuq ee degmada Laas-geel.

Wasiiradan ayaa meesha loo qorsheeyay in ceelkan laga qodo kula kulmay qaar ka mid ah bulshada degaanka Dacar-budhuq, waxaaney ugu bushaareeyeen in dhawaan Dhaam biyood laga qodi doono degaankan, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono hawsha qodistaankiisa.

Geesta kale waxa ay sheegeen in hadda ay socoto qiimeyntii barbilowga hawsha qoditaanka Dhaam-biyoodkan, la rabbo in laga hirgeliyo  degaanka Dacar-budhuq.

Dhaam-biyoodkan ayaa wax weyn ka tari doona haddii uu guulaysto waraabka degaanka Dacar-budhuq, iyada oo bulshada degaanku kaga raysan doonaan biyo yaraantii ka jirtay degaankaasi.

Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa wada dadaalo ay doonayso in ay kor ugu qaado adeeg bixinta biyaha ee la gaadhsiinayo bulshada.