Daacanimadu Waa Xeeladaha Guusha!

0
96

Daacadnimadu waa astaan wanaagsan , waana astaamo dadka lagu yaqaan ay dadka kale dheer yihiin. In qofku uu daacad ka noqdo shaqadiisa, masuuliyadiisa, kelmadihiisa iyo dhinac kasta oo nolosha ah waa mid muhiim ah oo mujinaysa geesnimada qofkaasi. Waana astaamaha horumarkiisa. Dadka daacadda ah ee shaqadooda jeceli waa kuwa guulaysta.

Qofku wuxu noqon karaa mid wanaagsan marka uu xidhiidhka dadka kale uu la leeyahay ka dhigo mid ku dhisan daacadnimo iyo akhlaaq wanaagsan.  Geesnimada iyo Ragnimadu ma noqon karto inuu qofku noqodo tuug, afmiishaar, khaayin iyo afku xoogle badan.

Qofka daacada ah dadka oo dhan ayaa aamina, halka ka aan sifadaa lahayn aaminadiisu shaki geliyaan.

Haddii aad daacad noqon weydo waxaad noqonaysaa qof nolosha dhib badan kala kulma oo aan ku guulaysan horumarkeeda. Daacadnimaduna waa xeelad weyn oo aad ku kasban karto wax kasta.  Daacadnimadu waa cutubka koowaad ee xikmadaha.