Kulan loogu hadlayay xakamaynta fidista Cudurka Shuban biyoodka oo lagu qabtay Gobolka Hawd

0
40

Xubinta koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona kulan lagaga hadlayay xakameynta fiditaanka xannuunka shuban biyoodka oo lagu qabtay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hawd iyo Guddida Xakamaynta fiditaanka xanuunka Shuban Biyoodka ayaa wacyi galin ku sabsan ka hor taga cudurka shuban biyoodka ka sameyay deeganada  hoos tago godoblka Hawd

Deganada lag sameyay wacyi galintan ayaa waxaa ka mid, Balicabane, Sayla, Gumburaha ee gobolka Hawdka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hawd, ayaa bulshada uga waramay khatarka xannuunka Shuban biyoodka, waxaaney bulshada kula taliyeen inay ku dadaalaan nadaafada.

Waxaaney yidhaahdeen . “Ka hortaga xannuunkan Shuban biyoodka ee sida kediska ah ku soo galay waddankeena kaas oo ka soo tallaabay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Waxaaney xustay wareegto ka soo baxday wasaaradda horumarinta caafimaadku in gobollada laga sameeyo guddi heer gobol ah, ahna kuwa qaabilsan ka hortaga xannuunada faafa, waxa habboon in qashinka la iska ilaaliyo oo la dhigo goobaha ku haboon.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay soo magacowday guddi heer Qaran ama heer degmo ah, kuwaas oo loo igmaday inay sameeyaan wacyigelin la xidhiidha xannuunka Shuban biyoodka, ILLAAHEYna waxa aanu ka baryayna in uu innaga dulqaado”