Madaxwaynihii Sadexaad ee Somaliland oo Booqday Wasaaradda Warfaafinta JSL

0
63

Hargaysa (Dawan):- Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa booqday xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacigalinta Somaliland, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda warfaafinta Cali Xasan Maxamed, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.
Soo dhawayn kadib wasiirka Warfaafinta ayaa soo mariyay Madaxwaynaha dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaasi oo ay warbixino kaga dhagaysteen masuuliyiinta waaxaha wasaaradda.
Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, ayaa Madaxwayne Rayaale uga mahad celiyay booqashada uu ku tegay wasaaradda Warfaafinta, waxaanu xasuusiyay sooyaalkii Taariikheed ee uu ku lahaa aasaaska Muuq baahiyaha Qaranka iyo kaalintii uu ka gaystay intii uu xukunka hayay.
Sidoo kale wasiirka ayaa Madaxwayne Rayaale ku bogaadiyay ficilada odaytinimada iyo guurtidu ka muuqato ee uu markasta uga shaqeeyo danta Qaranka, oo uu xusay kulankii u danbeeyay ee uu ka shaqeeyay Rayaale inay kulmaan masuuliyiinta Asxaabta Qaranku.
Waxaanu yidhi. Wasiir Mareexaan.“Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelintu aad iyo aad ayay u faraxsan tahay, waxa soo booqday madaxweynihii saddexaad ee Qaranka JSL, mudane Daahir Riyaale Kaahin, isla markaana ahaa madaxweyne ku xigeenkii saddexaad ee dalka.
Madaxweyne sharaf aad u weyn ayay noo tahay, wasaarad ahaan, shaqaale ahaan, madax ahaan, inaad nagu soo booqato xarunta wasaaradda warfaafinta, adiga oo Qaranka taariikh weyn ku leh, horumarkii, dowlad dhiskii, dhismihii Dimuquraadiyada, iyo dhismaha ciidamadaba.
Wasaaradda warfaafinta taariikh weyn oo gaara ayaad ku leedahay telefishanka Qaranka waxaad ahayd madaxweynihii aasaasay, iyada oo duruuf adag lagu jiro warbaahintuna ay kooban tahay, telefiishanada ku xidhan hawadduna ay kooban yihiin.
Telefishanka iyo idaacadaba waxa yaala taariikh dheer oo qaranku leeyahay adna aad ku suntan tahay, aad iyo aad ayaanu ku soo dhaweynayna, waanu ku faraxsanahay in aad na soo booqato.
Waxaad tahay oday Qaran oo musdanbeed ah, tallaabadii odaytinimada lahayd ee asxaabta Qaranka aad isugu keentayna waa wax Afrika ku yar, oo imika madaxweyneyaashi xilka ka degay oday dallada oo lagu soo ururo ayay noqdaan.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya subaxay xilka ka tagaan, subaxa ku xiga ayuu gaadhi soo istaadha kaladhka qabsada kii kale, waxa imika dagaalamaya ee is haysta waa madaxweyneyaal hore iyo raysal wasaareyaal, waa dhaqamada aynu ku kala duwanahay ee sharafta inoo ah.
Ku soo dhawow madaxweyne, waxaan isna soo dhaweynaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha oo isna isna sharaf ay noo tahay in uu na soo booqdo.
Waxa aanu ku soo daawadsiin doona dhulkii aad wax ka qabatay oo isna sii balaadhay, siina horumaray, Radio Hargeysa iyo telefishankaba”
Dhankiisa Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ku boggaadiyay horumarka ay ku talaabsatay wasaaraddu.
Madaxwaynihii hore ee dalka Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku dheeraaday qaabkii ay u aasaaseen Telefishanka Qaranka, iyaga oo wakhtigaasi ay duruufuhu adkaayeen

Daahir Rayaale Kaahin ayaa bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta Qaranka iyo midnimada ummadda si loo gaadho halka aynu hiigsanayno.
Waxaanu yidhi.“Sharaf ayay ii tahay in halkan oo aan mar madaxweyne ka ahaa marna aasaasayaashi telefishanka aan ahaa in aan idinku soo booqdo.
Waxyaabaha telefiishanka in la sameeyo aan ku keenay waxa ka mid ahayd, bariga Shirkii Imbigaati ayaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ILLAAHEY haw naxariiste lagu dooranayay 2004-tii, marka aniga wasiirkii maaliyada Cawil ayaa daawaneynay telefishan Xamar leedahay oo si toosa u soo gudbinaya doorashadii oo socota, markaasaan Cawil ku idhi wax badanbaynu qabanay balse wixii ugu mihiimsana ayaynu ilownay, oo ah warbaahinta, niman aan dowladba ahayn ayaa warbaahin sameysay oo xaafado iska jooga, marka Telefishan waa in aan sameyna marka Telefishanku sidaasi ayuu yimid, ILLAAHEYba mahad iska leh maanta horumarbu gaadhay.
Waxaan xasuusta waa uu yar xumaaday oo muuqaalka soo saari waayay, dhalinyaradii ka hawlgaleysayna waxay yidhaahdeen ‘malaha waxba nalaga xaday’, waxba lama xadin nin aan garanayo oo electronicska yaqaanay ayaan u yeedhay waagaas, markaasi ayaan idhi ‘waar bahalkii wuu shaqayn waayay adaa farsamada yaqaane bal eeg’, markii danbe kii muuqaalka soo saarayay telefishan xukuumaday ayuu ka soo saaray markaasi ayuu ku xidhay markaasi ayuu saani u shaqeeyay.
Waxaan filaya in maanta wax badan aad ka barateen warbaahintii, warbaahintii waxa ay noqotay wax qofkastaaba haysto, dowladnimaduna waa jaajuur ninba in saarayo, way soconaysaa, khudbadahaygii iyo safaradaydiiba halkan ayaan ku soo shubi jiray, bug ayaan rabba in aan qoro marka in la ii ururiyo ayaan rabbaa, sababto ah maskaxda bini’aadamku mawada hayn karayso waxaas oo dhan, waan idiin hanbalyaynaya, wax badan ayaad barateen maalintii la furaayay inamadii idaacada ka hawlgalayay uunba shaqada bilaabay, London iyo dalal kaleba wuu gaadha telefishanka Qaranka Somaliland, anaga oo aan dhaqaale buuran hayn haddana waxaanu isku daynay in furaha aanu ku rogno oo meeluun laga arko gudaha dalka uunbu ahaa, balse markii danbe in hawaddana la gelin karo waanu ogaanay, kharashkeeda oo badnaa awgeed marmar ayaanu gelin jirnay.
Wasiir Calina anigo madaxweyne ku xigeena ayaan ku bartay Burco isaga oo dhalinyaro ah, 1997-dii ayaanu nabadyntii Burco, khayr ayaan idiin rajjeynayaa”