Midowga Afrika ayaa laba Jeer Qiray in Somaliland Qaddiyadeedu tahay mid Gaar ah oo ka Duwan Gobol Go’aya….”J.Peter Pham

0
60

Xaqiiqadu waxa ay tahay in Somaliland ay madaxbannaanayd, iyadoo aan Soomaaliyadii Talyaanigu xoroobin.”

 Hargeysa(Dawan)- J.Peter Pham oo ah Safiirkii hore  Maraykanka u fadhiyi jiray Sahel iyo Great lakes, xilliganna  xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga Maraykanka, kana tirsan machadyada axadha siyaasadda, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Itoobiya inay dhammaystiraan heshiiskooda isfaham oo ah mid ay isku waafajiyeen masaalixda dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal.

 

  1. Peter Pham wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay muuq baahiyaha EBC World oo ka mid ah warbaahinta Dawladda Itoobiya, wuxuuna sharraxay in Somaliland ay madaxbannaanayd, iyadoo Soomaaliya aanay xor ahayn.

 

“Xaqiiqadu waxa ay tahay in Somaliland ay madaxbannaanayd, iyadoo aan Soomaaliyadii Talyaanigu xoroobin. Sidoo kale 33 sannadood ee la soo dhaafay waxa aynu ognahay in Somaliland gaar ka ahayd Soomaaliya oo ay la soo noqotay xoriyadeedii ay hore u qaadatay. Muddada Somaliland gaarka u taagnayd ayaa ka badan intii ay ka mid ahayd Soomaaliya. Sidaas darteed dawladda Muqdisho shaqo kuma laha oo kama shaqeyso Somaliland,”ayuu yidhi aqoonyahan J.Peter Pham.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dawladda Soomaaliya aanay ka soo bixi karin amniga Muqdisho oo qudha. Wuxuuna tilmaamay in weerarada argagixisadu hadh beel yihiin, isla markaana kiisaska budhcad baddeeda ee laga diwaan geliyay Soomaaliya ay gaadheen 21 kiis ilaa bishii November ee la soo dhaafay.

 

Waxa uu xusay in jahowareerka  Dawladda Xasan Sheekh ka qaaday heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya aanay ahayn wax u shaqeynaya oo waaqica yaalla.

 

“Waxaan u soo jeedinayaa Somaliland iyo Itoobiya inay dhammaystiraan heshiiska rasmiga ee ay wada gaadheen oo ah mid xaqiiqada iyo waaqica jira ku saabsan oo ay is waafaqeen masaalixdoodu, iyadoo heshiiskani uu sii adkayn doono cilaaqaadkooda iyo is dhexgalkooda dhinaca dhaqaalaha,” ayuu yidhi J. Peter Pham oo ku dooday in iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya uu faa’iido dhaqaale u leeyahay mandaqada Geeska Afrikaba.

 

 

“Komishanka midowga Afrika ayaa xataa  laba jeer qiray in qaddiyadda Somaliland ay ka duwan tahay gobol go’aya. Hase ahaatee ay tahay dal xoriyadiisii la soo noqday oo xudduudihiisu waafaqsan yihiin kuwii uu ka tagay gumaystuhu

 

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in saldhiga badda ee Itoobiya ka kiraysanayso Somaliland uu yeellan karo faa’iidooyin dhinaca ammaanka xeebaha ah.