Xukuumadda Somaliland oo Baanka Horumarinta Afrika kala hadashay 3 Qodob oo Muhiim ah

0
76

Hargeysa (Dawan) Kulan laba geesood ah ayaa dhexmaray wasiiradda wasaaraddaha maaliyada,    qorshaynta Qaranka iyo masuuliyiin ka socday baanka horumarinta Afrika, kaas oo lagu gorfeeyay sidii baanka horumarinta Afrikii horumarin ugu sameynlahaa dalka Somaliland.

Kulankaas ayaa mudadii uu socday la isla qaatay qorshe cusub oo baanka horumarinta Afrika uu ku maalgelinayo horumarinta Somaliland, waxaaney dhinacyadu isla afgarteen in baanka horumarinta Afrika taageerada uu Somaliland siiyo lagu horraysiiyo mudnaanaha horumarka Somaliland ay soo bandhigtay ee ku salaysan qorshaha horumarinta Qaranka ee shanta sano ee socda.

Sidoo kale mudnaanaha labada dhinac ay ku heshiiyeen in diirada la saaro ayaa kala ah, horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, oo loo marayo maalgelinta xoolaha, beeraha, kalluunka iyo cagaarinta degaanka, kuwaas oo mihiim u  ah wax soo saarka aasaasiga ah, biyo soo saarka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin, tamarta, waddooyinka iyo garoonada diyaaradaha, iyo dekaddaha, kobcinta xogta iyo xog wadaaga.

Dhammaan qodobadan ayaa ka mid ah tiirarka udub dhexaadka u ah qorshaha horumarinta Qaranka Somaliland, ee 2023 ilaa 2027-ka.