Markabkii ugu weyna ee JSL Gass keena oo Munaasibad Daahfura loogu Qabtay Dekada Berbera

0
83

Berbera (Dawan) Munaasibad lagu Daah-furaayay Markabkii ugu weyna ee Somaliland gaas keena, ayaa lagu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, markabkan oo ah kii ugu waynaa ee   ku soo xidhay dekedda Berbera.

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo wasiiradda wasaraddaha Maalgashiga, Deegaanka iyo isbedeelka cimiladda, wasir ku xigeenka wasaradda Ganacsiga ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jaraayey Xarunta SOMGAS ee Magaaladda Berbera iyo Markabkii ugu weynaa oo sidey gaas, kaas oo soo gaadhey Dekedaas.

Xafladdaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay ganacsato, aqoon yahay, cuqaal iyo marti sharaf kaleba.

Maamulka shirkaddaha Telesom iyo Sam-gas oo xafladdaas ka hadlay ayaa waxay ka warameen ahmiyadda Markabkaas u yeelan doono badbaadinta Deegaanka iyo in lagaga hortago xaalufka deeganka ku yimaadda.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Magaladda Berbera, ahna duqa Magaladaas Cabdisharkuur Maxamuud xassan (Cidin) iyo guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali case), waxaanay si wado jir ah uga warameen ahmiyadda mashruucaas u yeelan doono daryeelidda iyo ilaalinta Deegaanka.

Masuul ka socday wasaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey ahmiyadda Mashruucaas samgas u yeelan doono dalka,waxaanu xusey in ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan mashruucaas.

Gaba-gabadii wasirka wasaaradda warshadaha iyo horumarinta Maalgashiga Cabdirisaq Ibrahim Maxamed,  ayaa ku bogaadiyey masuliyinta shirkadda Telesom sida fiican kaalintooda uga qaadanayaan mashaariicaha dalka lagu horumarinaayo,wasirku waxa uu ka codsadey Masuuliyiinta shirkaddaas in qiimaha bulshadda kaga iibin doonaan gaastaas uu noqdo mid macquul ah oo jaban, halka sidii kalena, Wasirku uu kula dardarmay masuuliyiinta haamaha kaydka shidalka iyo gaastaba in xil gaas ah iska saaraan ilaalintooda iyo in ka hortagaan dab ka kaca haamahaas.