Xukuumadda oo Daboolka ka Qaaday Xoolaha sannadkii ka Dhoofa Somaliland

0
59

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanadda xoolaha iyo horumarinta reer miyiga  Somaliland Mudane Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dhoofka xooluhu uu yahay qodob aad mihiim ah, isla markaana taabanaya dhaqaalihii dalka, waxaanu xusay in saddexdii sano u danbeeyay dhoofka xoolaha Somaliland aad u wanaagsan yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii bulshada xoola dhaqata reer guuraagu ay u dadaal xoolaha in Somaliland ay noqonayso dalka ugu dhoofka badan xagga xoolaha.

Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland ay dhoofiso sannadkasta ay tiradoodu dhan tahay 4.5 milyen.

Waxaanu yidhi.“Dhab ahaantii xagga dhoofka xooluhu waa qodob aad mihiim innoogu ah, dhaqaalihii dalkana taabanaya, 4 tii sano ee u danbeeyay dhoofka xooluhu aadbu u wanaagsan yahay.

Warbixin ayaanu ka qorna xoolaha innaga dhoofay tobankii sanoba hal mar, suuqyo badan oo tartan inagula jiray imika way iska soo yaraannayaan.

Haddii aynu u dadaalo xoolaha waxa laga yaaba in aynu noqono dalka ugu dhoofka badan xoolaha dalka dibeddiisa u baxa.

Aadbu u fiican yahay lambarka aynu dhoofina xoolaha, laba, saddexdii sano ee imika u danbeeyay afar malyan iyo badh ayaa innaga dhoofa sannadkii marka celcelis ahaan la eego.”

Lafdhabarta dhaqaale ee Somaliland ayaa ah xoolaha nool, marka waxa loo baahan yahay in xooga la saaro dhaqashada xoolaha, daryeelkooda iyo sidii markasta caafimaadkooda looga war hayn lahaa.