Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo sheegay in Xukuumadda ka go,an tahay horumarinta waxyaabaha aasaasiga

0
73

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go,an tahay  horumarinta waxyaabaha aasaasiga,xukuumaddana  ay u  tahay  waxyaabaha aasaasiga ah sida Xoolaha Beeraha, Kalluunka, Biyaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa  intaas ku daray in mudnaan ay siinayso  Xukuumadda Madaxweyne Biixi horumarinta Xoolaha Beeraha, Kalluunka, Biyaha Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo Wadooyinka.

Axmed Toorno oo Arimhaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Qorshaha horumarinta xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi mudnaanta waxa  ay siinaysaa   waxyaabaha aasaasiga ah,sida Xoolaha Beeraha, Kalluunka, Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin waddooyinka iyo laydhka.waxa kale oo   ku xiga Caafimaadkii iyo

Waxbarashadii.laakiin haddii biyo la waayo horumar kale majirayo.waana ilo biyoodkii tobnaad ee deegaankan laga  hirgaliyo intii Xukuumadani jirtay,waxaana dhawaan bilaabmi doona Riig laga qodayo Wacays Oodane dhaam laga qodayo Qotandabo Dhaam laga qodayo Labisagaale iyo Dhaam laga qodayo Celiyo,”.